Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Axmed Abokor Iyo Qoyska Reer Abokor Cabdilaahi Ee Uu Ka Baxay Marxuum Maxamuud Abokor Oo Ku Geeriyooday Hargeysa.

0
1486
Marxuum Maxamuud Abokor Oo Ku Geeriyooday Hargeisa

HargeisaPress — Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com oo kala ah Tafaftiraha Guud ee HargeisaPress. Shiine Cilmi Kaahin, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin(Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Abdirakiin Mustafe Cali, Xuseen Maxamuud Maygag. Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed, Faysal Maxmaed Cumar, Cabdikariim Qoorgaab.

Dhamaan dadkasi  Waxay Tacsi u dirayaan qoyska reer Abokor Cabdilaahi Maxamuud iyaga oo si gaar ah uga tacsiyadaynaya geerida  ku timid, Ilaahay ha u naxariistee Maxamuud Abokor Cabdilaahi .

Marxuum Maxamuud Abokor Cabdilaahi Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa agaasime-waaxeedyadii u horreeyay ee SLNTV. Wuxuu ahaa qof naxariis badan oo runtii dadnimo wanaagsan. Inta ogaalkay ah, markii dambe wuxuu la shaqaynayay Xafiiska ka-hortagga Mukhaadaraadka iyo Dembiyada ee Qaramada Midoobay – UNODC (United Nations Office On Drugs and Crime) oo uu la shaqaynayay ilaa 2010 oo ahayd markii aan sawirkan ka qaaday. Qof dadka dhiirigeliya, jecel horumarka saxaafadda iyo da’yarta ayuu ahaa. Ilaahay ha u naxariisto.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Abokor oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa laguna aasay, Marxuumka ilaahay ha u naxariisto ehelkii walaalihii iyo qaraabadii uu ka baxay samir iyo iimaan ha ka siiyo isagana janno fardawsa ha ka waraabiyo.. aamiin… aamiin… aamiin.

Inaal Ilaah Wa Inaal Illaah Raajicuuun,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here