Taariikhda Waayaha iyo Sooyaalkii Marxuum Qoraa Cabdiqaadir Maxamed Ciid(Baayga) Cabdiraxmaan-hiiraan

0
1235

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Illaahay naxariistii janadii Fardowsa haka waraabiyo,e Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid(Baayga),oo ahaa shakhsiyad aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba aad u dhisan,islamaraana lahaa kaftan hufan oo ay had iyo jeer isweydaarsan jireen inta ay wada shaqeeyaan, iyo waliba odayeyn fara badan oo ku qotentey waayo aragnimadiisa uu kaga waayo aragsanaa in badan oo ay wakhtiyadan dambe warbaahinta kasoo wada shaqeeyeen.

 

Marxuumku waxa uu ku dhashey Magaalada Hargeysa Xaafada Axmed-gurey isagoo aabihii Maxamed Ciid Warfaa oo kamid ahaa Shaqaalaha Caafimaadka Hargeysa,oo uu ilaa hada kamid yahey isagoo da, ah Waxaanu isla Magaalada Hargeysa ka bilaabay barashada Quraanka kariimka kahor intii aanu Dugsiga galin, isagoo Malcaamad Quraanka ka galey Malcaamad-quraankii Sheekh Indhoole ee Hargeysa.

 

Marxuumku waxa uu Waxbarashadiisii Dugsiyada ee maadiga aheyd ka bilaabay isla Magaalada Hargeysa waxaanu Fasalka koowaad ee Dugsiyada Hoose ka bilaabay Dugsiga hoose ee Janaral-daa,uud oo hada layidhaa Macalin Daa,uud sanadkii 1975kii waxaanu Dugsigii dhexe kusoo qaatey Dugsiga Dhexe Axmed Gurey isagoo ku qaatey labadaa Dugsi lix sanadood oo lagaga bixi jrey xiligaa Waxbarashada Hoose/dhexe waxaanu u gudbey Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Sanadkii 1981kii,isagoo Waxbarashada Dugsiga Sare dhameystey 1984kii-ilaa85kii sida uu ii Sheegay marar badan oo aanu xogwareysi hoose ku kulaney Marxuum Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baayga), waxa uu Macalim kasoo noqdey Dugsiga Hooyooyinka ee (Womens Club), ee Magaalada Hargeysa oo uu udhigi jirey Xisaabta iyo luuqada Waxaanu Marxuumku qalqaashadey markii Dagaaladii Snm kusoo qaadey Gudaha Hargeysa waxyar ka hor sanadkii 1988kii in uu u dhoofo Dalka Mareykanka isagoo Magaalada Jabuuti ee Xarunta dalka Jabuuti mudo ku sugnaa haseyeeshee, taasi umay suurtagalin Waxaanu si rasmi ah Mujaahidiinta Snm ugu soo kicitimay Magaalada Diridawa ee Dalka Itoobiya halkaas oo uu mudo kusugnaa islamarkaana, maadaama uu ahaa Marxuum Cabdiqaadir Maxamd Ciid nin qoraa aha waxa uu mudo badan ku hawlanaa in uu wax ka qoro Taariikhda Halgankii SNM.

 

Marxuumka oo aanu si shakhsi ah isu baraney Sanadkii 2007dii markii uu Wargeyska Saxansaxno kamid ahaa raga rukunada u ah ee Wax ka qora Barnaamijyo uu Wargeyskaasi kusoo caan baxey oo ay kamid ahaayeen Qormooyinkii Raad-Abeeso,Waxaana iskaaya barey Cabdiqaadir Ciid Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse),Wasiirkii hore ee Warfaafinta hadana ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Wargeyskaasi mulkiile ka ah iyagoo si aad ah isku ixtiraami jirey maadaama ay aqoon hore isku lahaayeen oo barashadooduna ku qotontey ilaa Taliskii SNM ee Xaruntii Baligubadle oo Marxuumku mud badan joogay halkaasi.

 

Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid waxa uu mudo badan kamid ahaa tifaftirayaasha Shabakada Wararka hadhwanaagnews musdambeedka u ah isagoo had iyo jeer bulshada usoo bandhigi jirey naaqishaada iyo faalooyinka Wararka oo qoraalada lagu xiisayn jirey,waxaanu fursad Wabarasho oo qaadatey mudo laba sanadood oo heer Jaamacadeed ah kusoo qaatey Dalka Uganda,waxaanu hada dalka ku sugnaa mudo isagoo mudada uu joogay Uganda hadhwanaagnews uga soo warami jirey dalakka Geeska Afrika.

 

Marxuumku waxa uu lahaa Xaas waxaanu ifka tagey shan caruur ah afar wiil iyo gabadh iyo hooyadood.

 

Ilaahay janadii fardowsa haka Waraabiyo inagana dhamaanteen Samir iyo iimaan allaha ha inaga Siiyo Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid Warfaa, oo kamid ahaa hada bahda Hadhwanaagnews waxa uu ka baxey Bulshada Reer Somaliland oo dhan.

 

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin illaahay ha inaga Aqbalo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here