Suuqyada Maciishada Quutal Daruuriga Lagu Gado Ee Hargeysa Oo Ceeryoon Noqday Iyo Dadka Shacabka Ah Oo Ka Cabsi Qaba In Raashinku Uu Kala Go’o

0
951

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maciishada Quutal Daruuriga ah,Siiba Raashinka Dibada laga soo waarido ayaa maalmihii u dambeeyay Qiimahoodu si weyn marqudha sare uga Kacay Suuqyada Raashinka lagu iibiyo ee Magaalooyinka Waa Weyn ee Somaliland,Arintaasi oo walaac ku abuurtay Shacabka Reer Somaliland, Waxanay Raashinada Qaar kor ugu kaceen Farqi aad u weyn,marka loo eego Qiimihii markii hore la siinayay.

 

Wargeyska Foore oo u kuurgalay Qaylo dhaan dhinaca Shacabka reer Hargeyska ka soo gaadhay oo ku saabsan Maciishada oo Todobaadkii u dambeeyay Ka qaaliyawday Suuqyada waa weyn ee Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa ayaa ukuur galay islamarkaana soo ogaaday in Qiimaha Sonkortu si weyn mar Qudha sare uga kacay,islamarkaana lagu biiriyay Lacag shan doolar ka badan Mudo laba cisho ah gudahood,halka Maciishadaha kalena sidoo kale ay Lacag aan intaasi ka yarayn ku biirtay,waxaanay arintaasi wal wal iyo Walaac horleh ku abuurtay Dadka shacabka ah ee Reer Somaliland ee markii horeba la daalaa dhacayay Duruufaha qalafsan iyo Nolosha adag ee Dalka ka jirtay taasi oo aanay dad badan saddexda Wakhti Nasiib u helin inay Dhari karsadaan.

 

Ganacsatada Reer Somaliland ayaa marka ay doonaan Qiimaha Maciishada daruuriga ah sare u qaada Qiime aan macquul ahayn oo ku soo libin laabmaya qiimihii ay hore u siiinayeen,kadib markii ay meesha ka baxday Doorkii ay Xukuumaddu ku lahayd ee ilaalinta Qiime korodhka Maciishada suuqyada Ganacsiga iyo Raashinka lagu iibiyo,Waxaana Maalmihii u dambeeyay suuqyada Hargeysa laga dareemayay dhaq dhaqaaq xoogan oo ay ganacsatada yar yari kaga gaashaamanayaan Sixir bararka Iyagoo kayd badan urursanayay. Waxa sidoo kale Dadka Shacabka ahi Muujiyeen Dareen murugo leh oo ku aadan Dhiigmiirshada Ganacsatada waa wayn ee alaabada soo waarida,kuwaasi oo mar walba si arxandaro ah kor ugu qaada Qiimaha Maciishada Quutal daruuriga ah ee aan laga maarmin Karin.

 

Xukuumadda Kulmiye ee Hadda Talada Haysa iyo Axsaabta Siyaasada Somaliland ayaanay habayaraatee,Xisaabta ugu jirin Qaabkii loola tacaali lahaa Qiimaha Maciishada ee maalin walba kor usii kacaya iyo Sixir bararka dalka ka taagan,arintaasi oo Wal wal weyn ku haysa Bulshada Somaliland islamarkaana qayb ka ah Tahriibka dhalinyarada Badaha ku halaagsamaysa oo intooda badan nolol raadis u badan.

 

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here