Cugashada Guracan & Sooyaalkii Seed: Qaybtii 2 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
761

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

Akhriste, qormadii koowaad ee taxanaha Cugashada Guracan & Sooyaalkii Seed, waxaan Hordhac kooban kaga bixiyay, ujeedka taxanaha iyo daaranaantiisa guud. Sidoo kale waxaan ku iftiimiyay Kaalintii waafiga aheyd ee Axmed Muumin Seed kaga jiro xisbiga kala qaybsamay ee waddani. Anigoo si cad u sheegay in guuldarada guddoomiye  Axmed Seed ay tahay guuldarada guud ee xisbiga Waddani, waa se haddii ay dhab noqoto sheegmaddiisa ah in uu dacwad u gudbin doono Maxkamada sare ee dastuuriga ah.

 

Hadaba, qormada labaad ee taxanaha Cugashada Guracan & Sooyaalkii Seed,  waxaan mar kale si mug & miisaan leh ugu lafo-guri doona diirada foggaan aragga iyo aragtida hufan, Sooyaalkii siyaasadeed iyo Kaalinta xoogan ee hoggaamiyaha dhalinyaradda ah ee ka soo jeeda gobalka uu ku leeyahay xisbiga Waddani. Oo aad hadda moodo mid u badheedhay guuldaro siyaasadeed, mar haddii ay si fudud oo aan ka  kabasho laheyn u jabiyeen laf-dhabarta iyo lafaha dhaadheer ee  laacibkii “Difaac-yahan & weerar yahan”  xisbiga iyo shacabkii halganka.

 

Balse akhriste, an qalinka ku hakiyo in yar oo araar, waano, iftiimin iyo caddeyn ah. “Ugu horayn waxa an si guud ula hadlaya dhammaan akhristeyaasha sharfan ee qiimaha wayn iga muddan. Aniga oo leh  ujeedka gundhiga taxanuhu maaha mid salka ku haya hinaase, kursi doon, cay, xumaan iyo aflagaado ee waa falanqaynta ceeryaamo gudhan iyo daahfurka dabinada siyaasadeed ee  daahanta iyo dedanta ahaa ee hadda dul hogganaya xisbiga Waddani ee maleeggeeda milayga dheer lagu qarinayay dhoolo-caddeyn qosol iyo jigraarka jalaafada Cirro u aasay ee shalay lagu shirqoolay halyaygii u soo halgamay xisbiga Waddani, waa Muj: Axmed Muumin Seed. Sidaa darteed, haddii aad qoraalkayga dhibsato fadlan igu buri qormo caqli iyo cilmi ku dhisan. Ugu danbeyntii ka masuugi maayo in an hambalyo u diro musharaxiinta madaxwaynaha & madaxwayne ku xigeenka  xisbiga Waddani ee shalay huwanta aan la kala hufini u cimaamaday u loolanka kaltanka sadexaad  ee doorashada madaxtooyadda Somaliland sanadka 2017-ka. Si gooniya waxaan hambalyo ugu diraya aqoonyahan Amb/Dr. Mohamed Ali Aw Abdi”.

 

Hadii an ku noqdo qodobkii inoo socday iyo halkii ay sheekadu inoo maraysay oo aheyd falanqaynta sooyaalkii siyaasadeed iyo Kaalintii hoggaamiye Axmed Muumin Seed. Aan aad carrabka ugu adkeeyo in uu ahaana walina yahay laacibka gool-dhalinta ee xisbiga waddani.   Haseyeeshe,  Mudane Axmed Seed ma ahayn/maaha siyaasi dhinac kasta laacib ka ahaa/ah, marka su’aasha lagu koobo kaliya sooyaalkii hoggaamineed iyo haggidii xisbiga Waddani. Tusaale ahaan:

 

  • Kama dhisan xisbigga guddihiisa cuddud aqoonyahan iyo dad karti siyaasadeed leh oo fahmi kara fogaan aragga falagga siyaasadda, daalacan kara daahanta iyo dedanta siyaasadda ee daaha dabo-taal, oo toosh wayn ku iftiimiya jigraarka iyo jalaafada siyaasadeed ee saaxiibkii Cirro qosolka ugu qariyay. Waayo waxaa caddeyn u ah ka qaybgalkii shirkii isaga lagu shirqoolay shalay. Inkasta oo uu ka kacay madasha markii la xaadiriyay magaca aqoonyahan Amb/Dr. Mohamed Ali Aw Abdi, hadana waxa an is leeyahay waxa ka habooneyd in aanu ka qaybgalin shirka, maaddaama xubno tiro badan oo taageerayaashisa ah loo diiday ka qaybgalka shirka.

 

  • Runtii, waxa la yaab aheyd oo an isaga iyo dhawayaashiisa siyaasadda ku diidanahay oo kula yaabay fahan xumada kaga dhacday daacadnimada Cirro, murug abuurka kooxda cusub ee Xirsi Boodo dheere, Xulashada gurracan ee Musdanbeedka xisbiga iyo fajida Wiilasha idman ee madasha soo camiray.

 

  • Dad beerashadu muhiimad wayn ayay ku leeyahay guusha siyaasadda iyo guud ahaan guul oo dhan, waayo balse ila dhugo xigmada suugaanta Soomaaliyeed ee aheyd “Markaad geel dhaqatid baa… Gaawaha loo soo cushaa”

 

La soco qaybo kale oo xiiso & xamaasad huwan.

 

By: Jamal A. Muse

 

Hargeisa Somaliland.

 

dankaabo@hotmail.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here