Suldaankii Guud oo Nayroobi hawlo Caafimaad ugu baxay Saaka

0
835
Suldaanka guud iyo Amb . Kaysar Cabdilahi Maxamed

Asalaamu Calaykum, Waxaan Jaaliyadaheena Asxaab iyo Ehelada aadka ii soo weydiinayay Arrimaha Caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir Suldaan Cabdilaahi aan la socodsiinayaa inuu ladan yahay maantana uu u baxay Safar Caafimaad oo uu ku tagay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya. Waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa Mayorka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdirxamaan Soltelco iyo Mayor xigihiisa Mudane Cabdicasiis Cagaweyne oo si masuuliyadi ku jirtay habeen iyo maalinba uga war hayay xaalada Suldaanka imikana u fududeeyay Safarkan Caafimaad ee uu ku tagay Dalka Kenya. Waxaa kale oo aan u mahadnaqayaa Dhakhaatiirta ka hawl gala Cisbitaalka Hargeisa International Hospital oo uu ugu horreeyo Dr Fuaad Cabdisalaan oo si masuuliyadi ay ku jirto u xanaanaynayay Suldaanka tan iyo markii uu dhakhtarka galay.

Waxaan mar kale Allah ugu baryayaa inuu Suldaanka Caafimaad taam ah uu siiyo. Aamiin.

 

Amb. Kaysar Cabdilahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here