Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Loolanka Kulmiye iyo Aragtidiisa Sababta Kuraasta Da’yarta Odayaashu Ugu Fadhiyaan

0
881

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Mud. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in loolanka musharaxiinta faraha badan ee Kulmiye fursad u yahay in musharaxa ugu habooni u soo baxo hogaanka dalka.

 

Hogaamiyaha guurtida ayaa golaha dhexe ee Kulmiye ku booriyay inay iska dhex doortaan hogaan wacan, isagoo rajeeyay in si nabad ah ay arrimuhu ugu dhammaan doonaan “Loolanku waa xaq loomana diidana sidaas ayuun baa ninka saxa ah lagu helaa,mana diidani anigu in ay loolamaan iyagu,aakhirkana nin uun baa ka soo dhex bixi kaas na waanu ugu ducayn,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

 

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa qorsheysay in da’da dhalin yarada loo aqoonsan yahay tahay inta u dhexaysa 14 jir ilaa 35 sodon jir, haddaba guddoomiye Saleebaan ayaa la waydiiyay sababta kuraasta qaranka dhalinyaradu fursad ugu heli waayeen ee Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Cirro iyo isaga laftiisa oo dhammaantood da’doodu weyn tahay ugu fadhiyaan Kuraasta wuxuuna ku dooday inaan dhalintu wali diyaar u ahayn hogaanka dalka.

 

“Dhalinyaradu marka ay diyaar noqdaan kursiga lays kagama kacee way ka riixan doonaan, markaas marka ay naga riixdaan wuu banaanaan doonaa oo waa la sugi doonaa marka ay naga riixdaan,” ayuu yidhi guddoomiye saleebaan.

 

Guddoomiye Saleebaan oo wax laga waydiiyay arrinta dalka buuqa badan ka dhalisay ee ah wareejinta haamaha shidaalka Berbera ayaa sidan ku gaabsaday “Waxba arintaas ka odhan mayo adeer, waxa ay u talaa xukuumada iyada ayaana ku shuqul leh,iyada waydiiya.”

 

Dhinaca kale Guddoomiye Saleebaan waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamay degaanka Qoriley ee gobolka Sool “colaada ka taagan bariga waxaan odhan lahaa ilaahay ha qaboojiyo oo nabad halaga wada shaqeeyo dhamaantood sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada daga ee xurguftu dhex martay.”

 

Ugu dambeyntii waxa uu xaaladda guud ee Somaliland ku sheegay guddoomiye Saleebaan mid degan oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin marka laga reebo Abaaro, isagoo Alle bulshada uga baryay in abaaraha uu ka soo jabiyo Illaahay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here