Soomaaliya oo Xidhiidhkii U Jartay Kenya, Diblomaasiyiinteedana Ku Amartay Inay Si Deg Deg Ah Uga Soo Baxaan

0
1876

Muqdisho (Hargeisa Press) — Soomaaliya ayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyada oo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso dalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December.

Qoraalkan kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida Soomaaliya waxa ay go’aansatay in ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.”

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeedhanaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020,” ayaa lagu yidhi qoSoomaa kasoo baxay Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas lagu daray in  Soomaaliya ay u aragto shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliya xidhiidh qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayo kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay u gaadhay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed iyo fara-gelinta qaawan ee isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya Ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliya si waafaqsan Dastuurka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii dowladda Kenya ay casuuntay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo Isniintii Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, go’aankan kasoo baxay Soomaaliya ayaa u muuqda mid ay kaga xuntahay xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Kenya.

Mana aha markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay sidan oo kale xidhiidhka ugu jarto Kenya, iyadoona ay hore xidhiidhka ugu jartay dalal Somaliland xidhiidh dublamaasiyadeed la yeelatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here