Madaxweyne Biixi iyo Raila Odinga oo Kulmay

0
2765

Nairobi (Hargeisa Press) — Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa kulan booqasho ah ugu yimi Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Hotelka uu ka degan yahay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi,

Raila Odinga oo ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi, ayaa hada ah Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Raila Odinga iyo madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arimo ku saabsan Kenya iyo Somaliland.

Raila Odinga ayaa waday olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynayay mooshin lagu taageerayo qaddiyada Somaliland.

Waxaanu Raila Odinga aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madaxbanaan maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimuqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor.

Raila wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sarsare oo dowladda Kenya si joogto ah ugala hadlay dowladooda inay aqoonsadaan Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay gacan ka geysaneyso xasilinta gobolka geeska Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here