Soomaaliya oo Marti Gelinaysa Shir Ay Yeelanayaan Dalalka Gobolka

0
495

Muqdisho (Hargeisa Press) – Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku mart-gelineysa shir ay yeelanayaan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska la ah, ee loo yaqaan Dalalka Safka Hore, kuwas oo kala ah Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Wafaafinta Soomaaliya, shirkan, ayaa lagaga hadlayaa dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada Soomaaliya ee ay weli ku hadhsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya.

Qoraalka, ayaa intaas ku daray in shirkan uu gogol xaadh u yahay shir ay madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Shir madaxeedka, ayaa lagaga hadli doonaa in si wadajir ah lagaga hortago khatarka “Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Soomaaliya, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here