Hirgelinta Qorshe-Magaaleedka Hargeysa oo Laga Shiray

0
756

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan lagaga arrinsaday bilowga Qorshaha Master Plan-ka ee Caasimadda Hargeysa iyo sidii loo gudo-gali lahaa sida ugu dhakhsaha badan.

Kulanka oo si wada jira u dhexmaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dowladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamud Warsame Jaamac Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamuud Suldaan Aadan, Maayar Ku Xigeenka Caasimadda, Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Qaar Ka mida Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Iyo Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa.

Waxa ay masuuliyiintu kulankooda kaga doodeen hirgelinta wax kasta oo suurto-galinaya sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa Qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa oo hirgelintiisa baahi weyn loo qabo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud.

Warka ka soo baxay Wasaaradda waxa uu intaas ku daray in masuuliyiintu isla qaateen dhammaystirka xog-ururin gundhig u ah hirgelinta qorshahan oo laga soo ururiyey shacabka Hargeysa, si loo helo suurto-galnimada tallaabo deg-deg ah oo lagu bilaabo hirgelinta qorshaha magaalada Hargeysa.

Warku waxa uu intaas ku daray in labadda dhinacba muujiyeen sida ay uga go’antahay sidii deg-deg loogu bilaabi lahaa in Hargeysa oo ah Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland yeelato Qorshe Magaaleed la jaan-qaada caasimadaha dalalka Mandaqadda iyo guud ahaan Afrika marka laga yimaaddo kuwa caalamka horumaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here