“Siyaasadda Mandaqadu Aqbali-mayso In Gobol Somaliland Ka Go’aya La Sameeyo”

0
1782

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda guud ee gobolka Sool, gaar ahaan xaaladda ay hadda ku jirto Magaalada Laascaanood.

Siyaasiga, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay shirka dhaqan ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Laascaanood uga socday Madax-dhaqameedka gobolkaasi.

Siyaasi Maxamed Jaamac Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu dhinaca kale ka hadlay xalka keliya ee lagu dhamayn karo xaaladda ka jirta gobolka Sool.

Maxamed Jaamac Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in xalka Laascaanood yahay in la wada-hadlo, xaaladda jirta lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

Waxaa kaloo sheegay in aanay Siyaasada Mandaqadu aqbalayn Gobal Somaliland ka go’aya in la sameeyo islamarkaana aanay isku raaci doonin Garaadada gobolku.

“Xaalada Gobalka Sool sida loo buunbuuninayo maaha oo xogaa cadho ahi way iska jirtaa. Somaliland sannadkii 1991-kii ayay ku kulantay Magaalada Burco waxa la go’aan saday in Somaliland la wada yeesho, kacdoonku waxa uu ka yimid dadka la dilay ee la waayayo wixii dilay, waxaana aan odhan lahaa garaadada ciil qab laguma taliyo lagumana tashado”. ayuu yidhi.

Maxamed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Somaliland ayaa gacanta ku haysa Gobalka Sool, wax weyna maaha Magaalo ayaa calan lagu buufiyay, Maamulkii Somaliland ayaa gacanta ku haya, intaas oo ciidana ayaa jooga, Siyaasada Mandaqadu aqbali mayso Gobal Somaliland ka go’aya in la sameeyo iskuna raaci maayaan Garaadada gobolku. kacdoonku xaqiiq maaha xalka lagama maarmaanka ahi waxa weeye Dhulbahate in uu Somaliland la hadlo oo Maamulka sida loo qaybsanayo laga wada tashado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here