Badhasaabka Sool Oo Xilalka U Kala Wareejiyay Isu-duwaha Cusub Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Isu-duwihii Hore

0
582

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay isu-duwaha cusub ee loo soo magacaabay wasaaradda gaadiidka ee gobolka Sool iyo isu-duwihii hore.

Munaasibadda uu badhasaabku laba isu-duwe xilalka ugu kala wareejiyay oo ka qabsoontay xafiiska wasaaradda gaadiidka iyo jidadku ku leedahay magaaladda Laascaanood.

Waxaana munaasibadda xil wareejinta joogay badhasaabka Sool, taliyaha qayb booliska gobolka Sool, qaar ka mida isu-duweyaasha wasaaradaha dawladda Laascaanood u jooga iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka gobolka Sool oo hadal ka jeediyay munaasibadda uu labadda isu-duwe xilalka ugu kala wareejinayay ayaa sheegay in ay sunaha dawladnimo tahay in marba qof lagu maamuuso xilka qaranka ee bulshadda loo hayo.

Waxaanu uga mahad celiyay isu-duwihii hore sidii wanaagsanayd ee uu xilka u soo gutay, halka isu-duwaha cusub-na ee ALLE uga baryay in uu ku asturo.

Waxaanu yidhi, “Sunaha dawladnimo iyo dimuqraadiya ayaa ina faraysa in hadba cid lagu maamuuso Shaqada Qaranka ee Bulshada loo hayo, xilka Qarankuna waa meerto.

Isu-duwihii hore Cabdi-khadar Cali Maxamed,  waxaan uga mahad naqayaa sidii sharafta iyo milgaha lahayd ee uu u wareejiyay xilkii wasaaradda.

Isu-duwaha cusub-na waxaan ILLAAHAY SWT u waydiinayaa inuu xilka uu bulshadda u qaaday ku asturo”.

Geesta kale badhasaab C/qani Jiidhe, ayaa sheegay inuu si weyn ugu kalsoon yahay in isu-duwaha cusub uu xilka u gudan doono si habsami leh, isla markaana uu aqoonteedda leeyahay.

“Cabdi-weli Jaamac Obsiiye, waxaan aad ugu han-waynahay in aad u gudan doonto shaqadaada si habsami leh. Anigoo og in aad aqoonteeda leedahay”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Dhinaca kale waxaa iyag-na halkaas hadalo ka jeediyay isu-duwihii hore ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka ee Sool waxaanu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay in xilka laga bedelo, isla markaana uu xilka qaranku meerto yahay.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay isu-duwaha cusub ee wasaaradda jidadka iyo gaadiidka ee Sool  oo sheegay in uu xilka u gudan doono sida ugu wanaagsan, isla markaana aanu waxba ka hagran doonin.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here