Siyaasi Xasan Guure Oo Dhaliilo Culus Ku Hurgufay Madaxweyne Biixi

0
836

Hargaysa (HP): Siyaasiyiinta ku bahoobay ururka Madasha Wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanay sheegeen in dalku marayo marxalad adag oo u baahan in tallo la isaga yimaado, isla markaana uu madaxweynuhu bilaabay cabudhin iyo falal kaloo dastuurka iyo shuruucda dalka ka baxsan.

Siyaasiyiintaasi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka mid ahaa Xasan Guure, Maxamed Xaashi Cilmi, Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo xubno kale.

Xasan Guure, ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay magaaladda Hargaysa gaar ahaan xadhiga loo gaystay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo rebshadihii ka dhashay mudaharaadkii taageereyaasha xisbigaasi.

Waxaanu sheegay in madaxweyne Biixi uu muddo dheer mucaarid ku soo ahaa xukuumadihii Cigaal iyo Daahir Rayeele, isla markaana uu samayn jiray waxyaabo kuwa hadda socda ka waaweyn.

Sidaas darteedna looga baahan yahay in uu dul qaad muujiyo oo aanu dadka rayidka ah iyo madaxda xisbiyadda ku xidhin arrimo yar yar oo dhaliil iyo toosin ah.

Halkan Ka Daawo hadalka Xasan Guure:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here