Wasiirkii Amniga Puntland oo Lagu Rasaaseeyay Deegaanka Carmo

0
907

Carmo (Hargeisa Press)- Wararka laga helayo gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta la rasaaseeyey kolonyo uu la socday Wasiirka Amniga ee maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan, xilli uu ku socdaalayey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Wasiir ayaa la sheegay in ay rasaaseeyey ciidankii dhowaan xooga ku galay magaalada Boosaaso, kuwaas oo hadda ku sugan Carmo, islamarkaana uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Wasiirka iyo Ciidamadaasi uu dhexmaray dagaal kooban, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay, kaas oo aan weli la xaqiijin.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay kala dhexgaleen waxgarad uu hoggaaminayey Beel-Daaje Maxamed Beel-Daaje Ismaaciil, islamarkaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan, walow xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee maamul goboleedka Puntland oo ku saabsan iska hor imaadkaasi uu halista ku galay, Wasiir Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan.

Gobolka Bari waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo u dhexeeyey Puntland iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo ku xoogan gobolkaasi.

 

Hargeisa Press Desk/ Boosaaso Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here