Sool: Wefti Uu Hogaaminayo Wasiir Faratoon Oo Deegaamo Badan Soo Kormeeray

0
1213

Laascaanood (Hargeisa Press): Wefti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa maanta kormeer ku tegay deegaanka Jidbaale iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Sool.
Deegaamadaasi oo dhawaan ay shaqaaqooyina ku dhex mareen bello walaali ah oo halkaa wada dega.
Waxaanay weftiga wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ah Jidbaale oo uu ka socdo shirka nabadaynta laba beelood oo hpre shaqaaqo u dhexmartay.
Weftiga wasiir Faratoon, waxaa ka mida wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay masuuliyiuntaasi ku guubaabiyeen dadweynaha deegaamadii ay soo mareen qiimaha ay naabdu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la wada ilaashado.

Geesta kale wasiirada arrimaha dibada ito warfaafinta ayaa bulshada ku guubaabiyay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen doprashooyinka soo socda, isla markaana ay isku diiwaan gelin lahaayeen si ay uga qayb qaataan codaynta lagu dooranayo xildhibaanadda goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here