Somaliland: Xukuumadda Oo Shaqo Abuur U Samaysay 50 Qoys

2
722

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta daah-furay mashruuc shaqo abuur loogu sameeyay in ka badan 50 qoys oo ka kala socda goboladda dalka.

 Waxaana barnaamijkaasi  soo agaasintay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, iyadoo barnaamijkaasi shaqo abuurka ganacsiyeed loogu sameeyay.

Munaasibadii lagu soo bandhigayay qoysaskan shaqo abuurka ganacsi loo sameeyay waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha horumarinta maalgashiga, shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.

Qoysaskan shaqo abuurka loo sameeyay ayaa ah kuwo danyar ah, isla markaana ay ka mid yihiin kuwo naafo ah.

Cabdiraxmaan Cabidlaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa wasaaradda shaqo gelin ku amaanay in dad danyar ah shaqo abuur ganacsi loo sameeyo.

“Waxaa maanta sharaf weyn ii ah in aan ka soo qeyb galo shaqo abuurkan dadka danyarta ah ee ku filiqsan dhammaanba degmooyinka Somaliland.

Gees ka gees oo runtii aan aad iyo aad ugu hambalyaynayo wasaaradu inay isku keentay dad kala duwan oo ka kala yimid degmooyinkii dalka, oo ah dad danyar ah,  oo la rabo in noloshoodii wax laga bedelo. Aad iyo aad baan runtii wasiirka iyo shaqaalihiisaba ugu mahad naqayaa”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalka sii watay ayaa kula dar-daarmay dadka shaqo abuurka loo sameeyay in ay si wanaagsan u maamulaan waxa loo dhiibay, isla markaana ay horumar ka sameeyaan.

C/raxmaan Saylici, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kunka tallaabo, waxaa la yidhaahdaa waxay ka bilaabmaan hal tallaabo.

Ganacsadeyaasha aad maanta maqashaan ee lacagta badan haystaa, waxay halkaa ku gaadheen ILLAAHAY SWT oo ay tallo saarteen iyo shaqada qofka oo dedaalay.

Arrintu kama soo hadho maamul, waxa yar ee laguu dhiibay, haddii aad si fiican u maamusho meel baad gaadhsiin kartaa.

Waxaa la idiinka baahan yahay in aad hawshaa la idinku caawinayo si wanaagsan u maamushaan, oo beritoole meel halkaa ka saraysa aad gaadhaan”.

Geesta kale dadka loo sameeyey shaqo abuurka ganacsi oo ka kala yimid goboladda dalkan Somaliland min Salel illaa Badhan, oo qaar ka mid ahaa ay halkaasi ka hadleen ayaa soo dhaweeyay mashruucan maalgashi ee shaqo abuurka loogu sameeyay.

Waxaanay xukuumadda iyo wasaaradda shaqo gelinta ku amaanay hannaanka wanaagsan ee ay u sameeyeen.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here