Golaha Wakiiladda Oo Diiday In Ay Ansixiyaan Xeerka Macdanta Somaliland

0
525

Hargaysa (Hargeisa Press): Golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa diiday in ay ansixiyaan xeerka Macdanta oo ay hore dood iyo falan qayn uga soo yeesheen xildhibaanadu.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray 53 mudane oo ka mida 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Xeerka macdanta Somaliland  waxa soo curisay xukuumadda, iyadoo  ay hore u soo ansixiyeen golaha wasiirrada Somaliland.

Kadib markii cod gacan taag ah loo qaaday ansixinta xeerkaasi waxaa ogolaaday 22 xildhibaan, 28 mudane ayaa diiday, laba mudane ayaana ka aamusay, halka guddomiyuhu-na aanu codaynin.

Sidaas ayaanu ku jabay xeerkaasi macdanta Somaliland, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo codaynta kadib natiijadda ka hadlay.

Waxaanu yidhi “Xeerkii macdanta Somaliland, qodobka koowaad ilaa 147. Waxaa ogolaaday 22 xildhibaan, 28 mudane ayaa diiday, laba way ka aamuseen, guddoomiyuhu-na muu codaynin. Xeerkaasi sidaa ayuu ku jabay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here