Somaliland: Xukuumadda Oo Ganacsatadda Uga Digtay Inaanay Badeecadahooda Lagu Waxyeelayn Muwaadiniinta

0
829

Hargeisa, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay inay baadhayaan isla markaana haddii ay cadaato  liisanka ka qaadi doonaan ganacsato dhawaan dalka keenay baastoolado macmal ah oo bir ah isla markaana habeenkii lagu baadhan karo dadka, waxaanu tilmaamay inay sharci darro tahay in qof ganacsade ahi uu soo dejiyo badeecad lagu waxyeelayn karo qof kale oo muwaadin ah.

 

Wasiirka Ganacsigu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay shir uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay ganacsatadda iyo maamulka gobolka  Gabiley oo uu ku booriyay inay  taageeraan  mashaariicda horumarinta ee xukuumaddu dalka ka fulinayso oo uu ugu horeeyo  mashruuca casriyaynta dekadda Berbera ee xukuumaddu bishii May heshiiska  hordhac ah kula  gashay shirkadda DP World oo uu si qotodheer ugu fasiray waxtarka uu dalka u leeyahay, iyadoo gobolka Gabiley uu dhex marayo jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaalle oo ka mid ah qoddobadii heshiiskaas.

 

Wasiir Eng. Xuseen Aadan Cigge, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay Wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu kaga hadlay qoddobadii u qabsoomay muddadii uu xilka hayay iyo qorsheyaasha ay gacanta ku hayaan ee ay filayaan inay u tisqaadaan mustaqbalka dhow. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-

 

Su’aal: Wasiir waxaad kulan la yeelatay maamulka degmadda iyo  Gobolka Gabiley, Maxaad kala hadashay oo kulankaas aad ku lafo-gurteen?

 

Jawaab: “Waa run oo maanta (Shalay) waxaan kula ballaadhan la yeeshay Ganacsatada magaalada Gabiley, maamulka heer degmo iyo heer Gobol iyo guddida Horumarinta Gobolka, haweenka iyo ururrada bulshada. Kulankaa isaga ahi wuxuu ahaa xog-warran iyo sidii ay Bulshada Gobolku ay xogogaal ugu noqon lahaayeen Qorshaha iyo Mashaariicda ay Xukuumaddu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka. Arrinta ugu muhiimsan ee aan Wasiir ahaan uga xog warramayey Bulshada Gobolka Gabiley, gaar ahaan Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka waxay khusaysay sidii Bulshada Gobolkan Gabilay ay si cad ugu fahmi lahaayeen faa’iidada dhaqaale, ta horumar iyo saamaynta siyaasadeed ee uu dalkeenna u yeelan karo Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Marsada Caalamiga ah ee Berbera taasoo ay Dawladda Somaliland dhawaan heshiis hor-dhac la gashay Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, kulankaa waxaan Bulshada kala hadlay sidii ay Gobol ahaan ugu diyaar-garoobi lahaayeen ka faa’iidaysiga Mashruuca DP World, maadaama uu Gobolkani ku yaallo Jidka ugu muhiimsan xarakaadka Ganacsiga.

 

Dhinaca kale, kulankaa isaga ah waxaan kaga hadlay in ay lagama maarmaan tahay in Bulshadu ay meel uga soo wada jeestaan dadka iyagu ku xajiimooda horumarka u soo kordha dalka ee mar walba u tafa xaytay inay carqaladeeyaan tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado.

 

Kulankan waxaan Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ku boorriyey in si dhab ah loo taageero mashaariicda horumarinta Qaranka ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahaya taasoo uu kow ka yahay Mashruuca horumarinta iyo dib-u-dhisidda Dekedda Berbera.”

 

Su’aal: Wasiir, waxa dalka la keenay badeecado ay ka mid yihiin baastoolado macmal ah hase yeeshee dadka lagu baadhan karo, siddee ayaad arrintaasi u dareenteen, maxaase wasaarad ahaan idiinka qorshaysan inaad badeecadaha noocan oo kale ah ka qabataan?

 

Jawaab: “Horta waa arrin laga xumaado isla markaana qayrul sharci ah in alaab ama qalab uu qof ganacsato ahi soo dejiyey lagu waxyeeleeyo ama dhibaato loogu geysto qof kale oo muwaadin ah. Ganacsatada iyaga laftooda masuuliyad culus baa ka saaran nabadgelyada, xasiloonida iyo wada noolaanshaha bulshadda, haddii taa la waayana dee iyaguna wax ku la’. Waayo waa nabad-gelyada ta suurto gelisay inay ganacsan karaan, oo wax soo dejin karaan waxna dhoofin karaan. Wasaarad ahaan waanu u kuur gelaynaa si fiicana waanu u baadhi doonaa arrintaa aad sheegtay; ganacsadihii Wasaardda ka diwaan gashan ee naga haysta Liisanka Ganacsiga ee soo dejiya waxyaabo nabad-gelayada iyo amniga khatar ku keeni karana, dabcan waxaanu kala noqon doonaa Liisanka Ganacsiga.”

 

Su’aal: Wasiir muddadii aad xilka haysay maxaa wasaarad ahaan idiin qabsoomay ama socda oo wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashigu ku hawlan tahay?

 

Jawaab: “Run ahaantii muddada aan hayey Xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashigu waa muddo kooban, haddana waxyaabaha noo qabsoomay ama qorsha xilliga dhow noogu jira waxa ka mid ah:

 

1-Dib u habayn iyo tayeyn aanu ku samaynay Waaxyaha kala duwan ee Wasaardda.

 

2-Joogtaynta iyo kormeer dhab ah xagga saacadaha shaqada Wasaaradda.

 

3-Waxa kor u kacay adeegyada Ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso, gaar ahaan xagga qaadashada

 

4-Liisamada Ganacsiga iyo kuwa Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

 

5-Waxa kordhay Codsiga diwaangelinta maalgashadayaasha Ajaanibka ah.

 

6- Waxa noo suurto gashay inaanu Wasaarad ahaan qorshayno isla markaana aanu muddayno qabsoomidda laba shir oo lagu lafa guri doono sidii dalkeenna loo maalgashan lahaa kuwaasoo heer caalami ah oo ka dhici doona Dalka Germanay, Magaalada Berlin 31.08.2016 iyo shirka labaad oo ka dhici doona Somaliland, Hargeysa 16, 17, 18 September 2016-ka.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here