Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo Tilmaamay Inaanay Xukumaddu Ku Luglahayn Khilaafka Wakiilada

0
993

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse, ayaa sheegay inaanay Xukumaddu wax lug ah ku lahayn Muranka ka taagan Golaha wakiilada dhexdiisa. Waxa uu soo jeediyay in Xildhibaanadu dhexdooda ku dhamaystaan wixii khiaaf ah islamarkaana aanay iskugu awood sheegan aqlabiyad.

“Xukuumadu Faro galin kuma Hayso ee waxay haysaa dhaymahii Golaha wakiilada,Madaxwaynaha iyo Ku Xigeenkiisu waa Hogaamiyihii Dalka,Midhna hadii laga tagi waayo Guddoomiye ku xigeenka 4-aad Ee Xisbiga kulmiye waa madaxwayne Ku Xigeenka,Markaa Xisbiga Waddani Hadii uu edeeyo Xisbiga Kulmiye Waxaanu leenahay Xukuumadda ha ku gal-galanine,Asxaabta oo dhan waxaanu leenaya dumuq-raadiyada ilaaliya golaha wakiilada Dhexdiina ku dhamaysta khilaafka idin dhex yaala” ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse

Waxa uu soo jeediyay inaan Xildhibaanadu iskugu awood sheegan Aqlabiyada Golaha “Xildhibaanadiina awoodad badan ee haysta aqlabiyadda golaha wakiilada waxaan leeyahay ha u awood sheeganina inta kale, kuwa laga itaalka roon yahayna waxaan leeyahay gal-galashada joojiya” ayuu yidhi Mr Cukuse.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here