Maalqabeenka Dunida Ugu Lacagta Badan oo Shirkadda Telesom ku Amaanay Adeega ZAAD ee Somaliland + VIDEO

0
1409

Boston (HargeisaPress) Shirka SIBOS oo laga hadlayey Baannanka Caalamiga ah iyo xawliga ay ku socdaan lacagta Elekatarooniga ah ee mobaylada la iskugu xawli oo ay soo qaban qaabiso hay’adda SWIFT ayaa waxa gaba-gabadii shirkaasi ka hadlay Maalqabeenka dunida ugu lacagta badan ee leh shirkadda Microsoft Mr. Bill Gates waxaanu khubadiisii  ku soo qaatay sida shirkadda Telesom Somaliland uga hirgalisay Adeega ZAAD.

Bill Gate ayaa qubadan uu ka jeediyey shirweynaha caalamiga ee SIBOS waxaa uu tusaale u soo qaatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee ka shaqeeya adeega lacag dirida Mobayladda. Tusaalaaha koowaad waxa uu ku soo qaatay laba shirkadadood oo laga hirgaliyey Bangaladesh kuwaasi oo uu ku tilmaamay in 5 sano ka hor ay go’aansadeen in ay dalkaasi ka hirgaliyaan adeega Xawilaada Lacagta Mobaylada, taasoo uu sheegay in Bangadesh ay dad aad u yari leeyihiin xisaabaadka Bangiyadda, balse dadka intooda badani ay isticmaalaan moobaylo, sidaasi daraadeed adeega lacag dirida mobaylka waxay ka bilaabay dalkaasi 2011, waxaana hadda adeegaasi isticmaala in ka badan 13 milyan oo macmiil ah. Bill Gate ayaa sheegay in dadki ay lacagaha isku xawilaan mobayladooda, alaabooyinka ay kaga iibsadaan tukaanadda iyo waxyaalaha kale. Bill Gate ayaa intaasi ku daray in boqolkiiba toban (10%) GDP Bangaladesh in bishiiba in ka badan 1 bilyan oo Dollar uu ka dhex dhaco lacagaha la iskugu diro mobaylka.

Maalqabeenka Dunida Ugu Lacagta Badan Bill Gate
Maalqabeenka Dunida Ugu Lacagta Badan Bill Gate

Bill Gate ayaa tusaalaha Labaad u soo qaatay Shirkadda Telesom sida ay uga hirgalisya dalka adeega ZAAD, waxaanu qubadadiisan ku sheegay in muddo saddex sano ah dadka laga dhaadhicinaayey sidii ay u aqbali lahayeen isticmaalka adeega Lacag Diridda Mobaylka (ZAAD), waxa uu sheegay waxyaalaha keenay in adeegani horumarin habka lacagta ay dadku isugu diraan ee ka magaalada joogaa uu ka miiga jooga ugu diri karo. Bill Gate isagoo ka hadlaya sida shirkadda Telesom uga hirgalisay Somaliland adeega Lacag Dirid ayaa yidhi, “Waxaan la yaabay in aan arko meel sida Somaliland lacagt meesha ka baxdo waxaan taasi keenay in dadku ay akoonwanadoda Electaroonig ah bishiiba ku shubtaan lacagahooda. Shirkadda Iskaadhsiinta mobaylka Telesom Somaliland ee halkaasi sida aadka uga hawl gasha dadku waxay aad u isticmaalaan lacagta mobayilada la iskugu diro. Celcelis ahaan lacagta lagu diro mobayladu waxa ay ka badan tahay lacagta dadku isku diraan”.

Khudbadan Maalqabeenka Dunida Ugu lacagta badan ee Bill Gate u tusaalaha ugu soo qaaday adeega ZAAD ee shirkadda Telesom ka hirgalisay Somaliland waxa uu sumcad iyo sharaf u soo hooyey dhamaan bulshada Reer Somaliland, waxaanay midhadhal u tahay mabaadiida iyo iskaashiga shirkadda Telesom loo aasaaseen. Shirka Telesom oo ah shirkadda ay wadda leeyihiin in kabadan 1500 oo Saamilay ah oo ku nool dhamaan dhulka Somaliland iyo Waddamada dibadda, ay door ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here