Somaliland Oo Marti Gelinaysa Tartan Orodka ah Oo Caalamiya

0
594

Hargaysa (HP): Somaliland ayaa markii ugu horraysay marti gelinaysa tartan Orodka ah oo caalamiya oo ay ka qayb gelayaan 11 dal oo ka kala socda afar qaaradood oo caalamka ah.

Tartankaas oo qabsoomi doona 13-ka bishan March oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa noqonaya tartankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Somaliland lagu qabto.

Sida uu sheegay wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, oo warbaahinta la hadlay.

Waxaanu yidhi β€œWaxaanu shaacinaynaa in uu qabsoomi doono tartan Orodka ah, oo ay ka soo qayb geli doonaan waddamo faro badan. Waxaanu dhici doonaa 13-ka bishan March ee aynu ku jirno, oo ah maalin Jimce ah.

Waxaanu Orodkaasi ka kooban yahay 10 KM iyo 5 Km. waxaanu wataa orodkani waxyaabo faro badan oo qaranka faa’iido u ah. Waxaanu ka turjumayaa horumarka aynu gaadhnay iyo nabad gelyada.

Waxa kaloo uu ka turjumi doonaa midnimada qaranka Somaliland gaadhay ee isku tashatay. Magaaladda Hargaysa badhtamaheeda ayuu Orodku ka dhici doonaa”.

Waxaanu intaas raaciyay, β€œIyagoo Ordaya ciyaartooygu ayaa la sawari doonaa dhismayaasha dhaadheer iyo horumarka caasimadda Hargaysa gaadhay.

Waxaana si toosa loogu gudbin doonaa telefishano caalamiya. Waxaana Orodkani dhiiri gelin u yahay dhallinyaradeenii”ayuu yidhi wasiir Boos.

Geesta kale tartankan Orodka ah waxaa ka soo qayb geli doona Orod yahano ka kala socda wadamo badan oo caalamka ah.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya, Jabuuti Kenya, Yugandha, Baxrayn, Qadar, Franch, Maraykanka Ereteriya iyo Moroco.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here