Somaliland oo Shaacisay Xiliga Ay Furayso Xafiiskeeda Taiwan

0
3363

Taipei (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay shaacisay xilliga ay furanayso Xafiiskeedii dalka Taiwan.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo u waramay Warbaahinta dalka Taiwan ayaa xaqiijiyey in Xafiiskii Somaliland ku yeelanayso dalkaas si rasmi ah loo furi doono 9-ka Bisha September ee fooda innagu soo haysa.

Waxaanu sidoo kale iftiimiyey inay socoto hawshii u furitaanka xafiiskaasi.

Danjire Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud wuxuu intaas ku daray in hawl wadeenno shan xubnood ka kooban oo laba ka mid ah laga qaadanayo Taiwan ay ka hawlgeli doonaan Safaaradda Somaliland ee Taiwan.

Safiirku wuxuu xusay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu ka turjumayo heshiiskii ay horaantii sannadkan kala saxeexdeen Wasiirrada Arrimaha Dibada ee labada dal, kaasi oo dhigayey in la is weydaarsado Xafiisyada labada Wakiil.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Taiwan ayaa gaadhay caasimadda dalkaasi ee Taipei 7dii Bishan.

Taiwan ayaa xafiiskeeda Somaliland furatay 17kii bishan, waxaana ka qayb galay madax iyo diblomaasiyiin ka soo kala jeeda labada Dawladood ee Somaliland iyo Taiwan, waxaanay ka wada shaqeynayaan mashaariic ay ka mid yihiin Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta iyo Wada-xidhiidhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here