Farmaajo oo Saxeexay Sharci Uu Muran Badan Ka Taagnaa

0
1054

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii saxeexay waxka badalka sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo mudda badan u xayirnaa saxeexiisa kadib markii ay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ansixiyeen 8-da July 2019 iyo 14 Janawry 2020.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal ka jeediyey xaflad lagu dhaqan gelinayey sharcigan ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah Saxaafadda Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd kuwa Dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu u hambalyenayo saxaafadda Soomaaliya maadaama uu sheegay inay maanta leeyihiin sharci qaran oo ilaalin doona.

Sharciga maanta dhaqan galay ee saxaafadda Soomaaliya ayaa waxaa in badan muran ka keenay Saxaafadda iyagoo si gaar ah walaac uga muujiyey qodobadan:-

(1) – Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceydhinta guddiga saxaafadda.

(2) – Maxkamadda ku shaqada leh iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga.

(3) – Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xidhiidha.

(4) – Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda.

Saxaafiyiinta Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajo si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xoriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here