Somaliland oo Ruqsadii Kala Noqotay Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe

0
2230

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsadii uu kaga hawl galayey Somaliland kala noqotay Dr Cabdirisaaq Yuusuf Gaboobe, oo ah maamulaha xarunta FORMULA 10 oo ah xarun lagu iibiyo dawo dhaqameedka .

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in maamulaha xaruntaasi uu shacabka ku abuuray shaki.

Maamulaha xaruntaasi oo warbaahinta la hadlay maalinimadii doraad, ayaa sheegay in aan lagu kalsoonana karin mishiinka xukuumaddu ku baadhayso xannuunka Covid-19.

Waxaa uu intaa agaasimuhu ku daray in marka horeba shaki weyn kaga jiray waxaa uu ka ganacsanayo, oo aan ahayn wax dunidu caafimaadkooda isku raacsan tahay .

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay qof ka ganacsanaya waddanka, oo liisan ka helay wasaaradda caafimaadku weliba waxaa uu ibinayaa aanay aheyn wax adduunyadu ay isku raacsan tahay oo waxtara in uu maanta duro, mashiinkii caafimaadka ee waddanka lagu maamulayay oo dhan ninkaasi maanta laga bilaabo waxaa ay wasaaradda caafimaadku kala noqotay ruqsadii ay siisay ee uu ku shaqeysanayay, ee aheyd ogolaanshiyaha inuu ka shaqeyn karro Somaliland.

Wasaaradda caafimaadku waa ay kala noqotay waxaananu u gudbineyna hay’adda ku shaqada leh, in aanu ka shaqeyn karrin qof caynkaasi oo kale ahi Qaranka Somaliland, oo dadka aanu adeeg u doonaan karin, iyada oo uu shaki weyni ka jiro waxaa uu gacanta ku hayo”.ayuu yidhi Agaasimaha wasaarada Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here