Somaliland oo Ka Qayb-gashay Bandhig-dhaqameed Ka Dhacay Dalka Eswatini

0
2160

Mbabane (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga dalka Eswatini, ayaa ka qayb-galay Bandhig-dhaqameed ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Mbabane.

Wasiirka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Eswatini Thulisile Dladla, ayaa ka qayb-galay Bandhig-dhaqameed sanadkiiba hal mar lagu qabto caasimadda dalkaasi, ka dib markii lagu marti-qaaday.

Wasiirka Arrimaha dibedda oo qoraal ku saabsan socdaalkiisa Eswatini ku baahiyey Twitter-ka, ayaa sheegay inay Wasiirka Arrimaha dibedda dalkaas ka wada-hadleen waxyaabaha ay wadaagaan Somaliland iyo Eswatini, waxaanu yidhi “Farxad weyn ayay ii ahayd inaan la kulmo Thulisile Dladla (Wasiirka arrimaha dibedda) oo aan ka wada hadalno qiyamkayaga wadaagga ah iyo inaan xoojinno xidhiidhkayaga..”

Sidoo kale, Wasiir Ciise Kayd Maxamuud wuxuu qoraal uu baahiyey ku sheegay in lagu marti-qaaday bandhig-dhaqameed ka dhacay Caasimadda Eswatini ee Mbabane, bandhigaas oo loo yaqaano “Reed Dance”.

Wasiirka oo arrintaa faahfaahinayaa wuxuu yidhi, “Waxa la igu casuumay in aan ka mid noqdo qoob ka ciyaarka ‘Reed’oo ka mid ah todobaadka dhacdooyinka qaranka Eswatini..”

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland wuxuu sheegay in bandhigga ka hor uu la kulmay Masuuliyiin ka mid ah Dowladda Eswatnin “Waxaan fursad u helay inaan la kulmo Ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Safiirka Eswatini u jooga dalka Mareykanka, ka hor bilowga bandhig-dhaqameedka..”

Waxa kale oo sida uu sheegay uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland la kulmay Madax kale oo ka tirsan Dowladda dalkaasi.

Dadweynaha Somaliland, ayaa si weyn Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ugu baahiyey Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo ku lebisan dharka dhaqanka ee dalka Eswatini, kaasi oo muujinaya isaga iyo Madaxda dalkaas oo qaarka sare ee jidhku qaawan yahay, taasi oo abuurtay hadal-hayn ah ‘In Somaliland aqoonsi-raadinta dariiq walba u marayso’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here