Somaliland Oo Itoobiya Ka Codsatay Inay Dib Loogu Soo Celiyo Gaadhigii Kastamka Ee Dhawaan Suldaan Wabar Ka Dhacay

0
870

Boorama, (HargeisaPress) — Somaliland ayaa dawladda Itoobiya gaadh siisay dacwadda ka dhan ah kooxda suldaan Waber oo dhawaan Borama ka dhacay baabuur Somaliland leedahay gaar ahaan xafiiska kastamka Boorama.

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) waxaanu sheegay in Itoobiya dacwad gaadhsiiyeen. “Waxaannu kala hadalnay baabuurka la dhacay iyo falka kooxdaasi ay samaysay dawladda Itoobiya oo aan rajaynayno inay dhakhso ah Gaadhigaasi noogu soo celiyaan, kooxdii falkaas geysatayna ay tallaabo sharciya ka qaadaan.”

Dhacan gaadhig ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee kooxdaasi ay ka samayso gobalka Awdal tan iyo markii lagu dhawaaqay, waxaana haatan loo dhegtaagayaa talaabada ay ka qaado dawlada Itoobiya arintaas.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here