Masuuliyiinta Madaarka Hargeysa Oo Soo Bandhigay Qalab Amni Darro U Keenaya Madaarka Oo La Qabtay

0
753

Hargeysa, (HargeisaPress) — Masuuliyiinta Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay inay 3-dii bilood ee u dambeeyay madaarka Hargeysa ku qabteen 82 Shay oo hubka fudud ah, kuwaasi oo waxyeelayn kara dad tiro badan.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Cigaal, ayaa saxaafadda u sheegay inay qalab khatar ah oo ka dhan ah Amaanka madaarka ay ku qabteen afaafka hore ee Madaarka laga soo galo. Waxa uu dadka Madaarka soo galaya iyo gaadiidka uga digay inay isku dayaan inay wax amniga khatar galin kara la soo galaan Aagga madaarka.

 

“Qalabka aanu qabanay waxay iskugu jiraan Faashash, Toorriyo,Waxaa ku jira Warmo,waxaa ku jira wax laga sameeyay baangeyaal dhaadheer, waxaa ku jira bahalo laga sameeyay Kammaanno, waxaa ku jira Baaskoolado, dhamaan qalabkaas waxaanu ku qabanay kadinka hore ee Madaarka laga soo galayo” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Taliyaha Saldhiga Madaarka Kabtan Saalax Caarshe, ayaa Sharci darro ku tilmaamay in qalabkaasi lala soo galo Madaarka Hargeysa “Waxaa Sharci darro ah ama Mushkilad ah in Qalabka noocaas ah ee khatarta ku ah amaanka, inuu qofku ku soo talo galo inuu Madaarka la galo, isagoo doonaya inuu garoonka hawl ka qabsado”

Kabtan Saalax Caarshe, ayaa sheegay inay amaanka Madaarka kor u qaadeen islamarkaana aanay suuroobi doonin in qof la soo galo Maqas, isagoo sheegay in cidkasta oo lagu qabto Qalab amaanka waxyeeli kara sharciga la horgayn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here