Hambalyo, ciidanka ilaalada madaarka hargaysa shaqada wanaagsan ee ay amniga madaarka ku sugayaan W/Q: nimco nuur

0
991

Amnigu guud ahaan waa muhiimada kowaad ee nolasha, sugidiisa iyo ka warhayntiisuna waa waajib saaran guud ahaan bulshada iyo dawladaba, inaga ka Somaliland ahaana waa mida kaliya ee aan ku faano, caalamkana sumcada iyo sharafta kaga helnay, amniga dalkeena oo ah mid aad  aynu uga shaqaynay sugidiisa ayaan ilaahay mahadii, inta badan aanay inagu  dhicin wax waxyeeleeya nabadeena, taasna waxaa ku amaanan ciidamada kala duwan ee qaranka, dunida casriga ah maanta, waxa inta badan la iska soo weeraraa oo walxaha ama hubka, amniga lagu waxyeelaynayo la iska soo galiyaa xadadka dhulka iyo madaarada, wadamada duniduna waxa ay dhaqaale badan galiyaan sugida goobahaasi oo ah kuwa aad u muhiima, inaga dalkeena oo ah wadan curdina oo soo koraya dhaqaale ahaan iyo nidaam dawlad ahaanba waxa uu ahmiyada saara ilaalinta amaanka guud, gaar haan goobahaas aynu soo sheegnay, xuduudaheenu waa qaar sugan amni ahaan , sanadadii u danbeeyey gaar ahaan intii xukuumadan kulmiye talada haysay ma jiraan hawlo ay cadowga somaliland ka fuliyeen gudaha dalka, madaaradeena oo imaka laga dhigay qaar casriya gaar ahaan madaarka hargaysa ayaa amnigoodu yahay kuwo aad u sareeya, intii xukuumada siilaanyo xukunka dalka haysayna ma jiraan wax hub ama alad kale ah oo lala so dhaafay ama laga gudbiyey madaarkeena, madarka cigaal oo ah madaarka ugu wayn dalkeena haatana laga dhigay mid la jaanqaadaya kuwa caalamka, ayaa ciidanka amaanka ee madaarku ay soo bandhigeen aalado iyo waxyaabo amniga khalkhal galin kara oo ay qabteen, talaabadaasi ayaa muujinaysa foojignaanta iyo shaqada wanaagsan ee ay ciidanka madaarku ka hayaan cigaal international airport , sida oo kale waxa ay ka turjumaysaa kartida ciidan ee aynu leenahay iyo inay yihiin kuwo aynu ku faani karno, gabagabadii, aniga oo wada hambalyeynaya dhamaan ciidanka kala duwan ee qaranka kuwaas oo ku foogan had iyo goor ilaalinta amniga, hadana waxaan maanta si gaara u bogaadinayaa ciidanka ilaalada madaarka cigaal international airport , shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan halkaasi.

 

 

Allaa mahad leh

W/Q: nimco nuur

Email : nimco1432015@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here