Somaliland: Madaxweyne xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalin Jabisay Hope University + SAWIRRO

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah Golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Arday wax ka bartay Jaamacadda Hope.

saylici hobe
Ardayda Qalin jabisay ayaa tiradoodu dhan tahay 104 Arday oo dhamaystay saddex Kuliyadood oo ka mida kuliyadaha ay bixiso Jaamacadaasi, waxaana xafladda sagootinta loogu qabtay Mansoor Hotel hargeysa.

saylici hope 2
Madaxweyne kuxigeenka ayaa ardayda u soo jeediyey talooyin iyo dardaaran, hambalyana u diray ardayda iyo waalidiintii ku soo tabcay ardaydaasi, waxaanu ardayda ugu baaqay inay ka qaybqataan horumarka dalka ka socda kana fogaadaan tahriibta aafaysay da’a yarta maanta.

saylici hope 3

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here