Muwaadiin Ma Ogtahay Sababta Ugu Weyn Ee Dib U Dhaca Ku Keentay Doorashooyinka Wakiilada 10ka Sano By: Axmed Xasan Carwo

0
1127

iin ma ogtahay sababta ugu weyn ee dib u dhaca ku keentay doorashooyinka wakiilada ee xaddi dhaaftay Waxa la yaab ah inaan marna laga hadal sababata ugu culus ee 10ka sano hortaagnayd doorashada Golaha Wakiilada kana dhigtay in 10 sano ay ku fadhiyaan halkay 5ta sano ahayd.

Waxa doorashadii koowaad lagu saleeyey cadaalad darro ayna codka muwaadinku u sinayn oo  laga maarmi waayey waxa se la raaciyey in nidaamkani ahaado mid ku meel gaadh ah oo qaladkaas loo badheedhay la saxo.

Waana halka ay ka timid fikirka tirakoobku, si loo ogaado tirade cod-bixiyaasha oo lagu sar jaro saami qaybsiga xildhibaanada. Taas macnaheedu waa in dib loogu noqdo tirade xildhibaanada ee gobalada kuna salaysan tirade codbixiyaasha kolka la diiwaangeliyo. Waa mid ilaalinaysa mabda’ah asalka ah ee dimuquraadiyada oo ah sinaanta codbixiyaasha. Waa qodob ayna cidini ka gudbi Karin oo ku qoran qodobada lama taabtaanka ah ee dal dimuquraadi ihi ku dhisan yahay.

Weli ma maqashay cid taabanaysa oo duraysa qodabkan aasaasiga ah. Maxa ugu wacan ee loo dul marayaa, maxa se aamusiiyey muwaadinka dulman. Kow, arrintani uma baahan in la siyaasadeeyo oo xisbiyadu waxay ka baqayaan inay arrintan xasaasiga ah midkood taabta kuwa kalian kaga baxaan. Waa mid u baahan in seddexda xisbi iyo dadweynahu dhammaan isla gartaan inay tahay mid dani ugu jirto dhammaan ummadeena.

Waa mid daaweyn doonta wada lahaanta goballada la wado dego ee tirada dadku ku badantay.  Waayo waxay heli doontaa tirada ay xaq u leedahay iyada oo bulshadu dhammaan wado leedahay ooy u tahay deegaan reer Soomaliland u siman yihiin. Waxa dhismaaya walaadnimada iyo adajirka bulshada iyadoo qof waliba ogaanaayo in codkiisu yahay mid la siman xubin kasta oo  codka bixisay.

Arrintan oo ahayd sababta keliya ee loo baajiyey doorashada ayaa ah haddana mid aan ilaa imika laga gun gaadhin. Waxa loo baahan yahay in xeerka doorashooyinka Wakiilada lagu daro qodob si cad u sheegaaya in saami qaybsiga xubnaha wakiilada lagu sar jari doono tirade codbixiyaasha ee gobal kasta, haddaan la suurtagelin Karin degmo kasta. Iyadoo la fulinaaya shuruudda sinaanta muwaadinka iyo xuquuqdiisa ee dastuurku ka dhigay lama tabtaan.

Arrintan oo faahfahsan waxaan ku soo qaadi doonaa maqaalo kale iyo aliba inaan dood ka galo, kuna baraarujiyo bulshada inayna muxaafid iyo mucaaridba u istaagno sinnaanta xuquuqda muwaadinka si aynu u helno bulsho isu calool fayow, is jecel wadajirta oo difaacda dastuurka iyo waxay heshiiska ku yihiin.

La jeclow walaalka waxad naftaada la jeceshay. Sinnanta codka muwaadinku waa u asal doorasho xaq ah oo dimuquraadi ah. Codka muwaadinka jooga Ceelaayo iyo kan jooga Ceel-la helay ha sinaadaan, ka jooga Berbera iyo Badhani ha sinaadaan, ka Hargeysa iyo kan Hadaaftimo ha sinnaadaan, ka Laascaanood jooga iyo kan Lawyacaddo joogaa ha sinnaadaan, ka jooga Boorame iyo kan jooga Buraan.

 

Ahmed Hassan Arwo

Chair, Somaliland Democracy Shield

samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo


http://samotalis.blogspot.com/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here