Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo Cannaan iyo Digniin Isugu Daray Xoghayeyaasha Dawlaha Hoose ee Degmooyinka Dalka

0
897

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa Xoghayeyaasha Dawladaha hoose ee dalka ku dhalliilay in habacsanaan weyni ka muuqato hawlaha ay qaranka wakiilka uga yihiin.

Wasiir Warancadde oo kulan la yeeshay Xoghayayaasha Dawladaha hoose ee degmooyinka dalka maanta, waxa uu iftiimiyey inay yihiin masuuliyiinta ay wasaarad ahaan u daba fadhiistaan xidhiidhkooda ay la leeyihiin dawladaha hoose oo xukuumadda dhexe wakiil uga ah degmooyinka dalka.

“Waxaanu idiinku yeedhnay waxa weeyaan dar dar gelinta hawlaha, qarankana waxaad u haysaan hawlo badan waxaanad ka tirsan tihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaranka uga masuul ah horumarinta gobolada iyo nabadda, horumarinta gobolada cida wakiilka uga ah dawladda dhexe-na waa dawladaha hoose, cida aannu uga daba fadhino maamulka iyo horumarinka ee aannu dawladaha hoose xidhiidhka tooska ah kala leenahay waa shaqaalaha ka tirsan wasaaradan oo ah Xoghayeyaasha dawladaha hoose, waxaanna laga yaabaa muddooyinkan dambe in habac weyni ku jiro sida ay u shaqeeyaan Xoghayeyaasha dawladaha hoose, taasina waxay keenaysaa in shaqadii qaranka ee loo qabanayey dadka in dabac badan ku yimaad,” ayuu yidhi Md. Cali Warancadde.

Waxa kaloo uu wasiirku tilmaamay in Xoghayayaasha Dawladda hoose masuul ka yihiin ururinta lacagaha cashuuraha ee degmooyinka laga qaado, isagoo la socodsiiyey farriin digniin ah oo la xidhiidha qaabka loola xisaabtami karo masuul kasta oo Xoghaye ka ah dawladaha hoose, waxaannu yidhi; “Waxaad lacag ka ururisaan bulshada ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka aad joogtaan, lacagtaas masuuliyadeeda, xisaabtankeeda, sida ay u baxayso, kharashkeeda iyo meesha ay marayso waxa idiin jideeyey sharciga idinka oo la kaashanaya maayarka, waxaanna sharcigu idiin sameeyey wax kasta oo idin soo gala iyo sida loo bixinayo, waxaanna sharciga idiinku qoran oo miisaaniyadda ku cad mashaariicda gobol walba iyo degmo walba laga fulinayo, dabogalka koowaad cida iska leh waa idinka cida idinku kormeeraysaana waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maanta laga bilaabana waxaynu iskugu soo kala dhawaanaynaa nin walba shaqadiisa iyo sida uu daacada ugu noqdo, dadka ugu badan ee aan subaxii qaabilaana waxay iga codsadaan inaan ka beddelo Xoghayayaasha Degmooyinka.”

Wasiirka Daakhiliga ayaa sidoo kale kula dardaarmay Xoghayayaasha Dawladdaha Hoose ee dalka inay dardargeliyaan waajibaadkooda shaqo si meesha looga saaro habacsanaan uu sheegay inay ka muuqato hawlaha ay masuulka ka yihiin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here