Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan Galiyay Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka

0
769
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

HARGEISA, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahayΒ JSL/M/DEC/249-3766 /012016Β ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

 

 

 

Madaxweynuhu:-Β 

 

Markuu Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:Β Β Β Β Β Β Β Β Β Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

 

Wuxuu Soo Saaray

 

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here