Somaliland: Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka

0
1034
Maayarka  caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko)
Maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayarka  caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa shaaciyay in la hakiyay bixinta dhulka Dawlada Hoose ee Hargeysa maamusho, taas oo uu sabab uga dhigay in aanay dawladda hoose ee Hargeysa haysan dhul ku filan.

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu saxaafadda la hadlay maanta, isagoo tilmaamay in danta guud ee laga jaro beeraha ay qorsheeyaan ugu talogaleen in laga hirgeliyo addeegyo bulshadu u baahan tahay, balse aanay dhici doonin in cid gaar ah la siiyo dhul.

“Waxaan dadweynaha u sheegayaa in dawladda Hoose ay gabi ahaanba xidhay bixinta dhulka. Sababtu waxay tahay dawladda Hoose ma hayso dhul ku filan, goobaha aannu qorshayno ee Beeraha ah ee danta guud aannu ka jarno waxaannu ugu tallogalnay in laga hirgaliyo addeegyada bulshadu u baahantahay, maanta (shalay) laga bilaabana dadka sidaa ayaanu ula socod siinaynaa, hana ku tallo galaan, wax dhul ah oo la bixinayo ma jiraan,” ayuu yidhi Solteeko.

Waxa kaloo maayirku kulan hoolka shirarka ee dawladda hoose kula yeeshay dadweyne badan oo uu dhegaystay cabashadooda, isagoo saxaafadda u sheegay in dhulka la kala iibsado lagu lunsado cashuur badan oo usoo xeroon lahayd.

“Waxaannu dhegaysanay cabashooyinka dadweynaha, iyadoo saxaafaduna goob-joog ka ahayd, waanad wada arkayseen sida dadka qaar u lunsadaan cashuurta dawladda, iyadoo dhul la kala siistay $20,000 (labaatan kun) oo doollar ay dadku odhanayaan waxaannu ku kala iibsanay $3,500 (saddex kun iyo shan boqol oo dollar) si loo lunsado cashuurta dawladda oo ah tii wax lagu qaban lahaa, arrintaas waan ka wacyigalinaynaa ummadda,” ayuu yidhi maayirka caasimadda Hargeysa.

Waa markii u horaysay ee maayirka caasimaddu ku dhawaaqo in aanay dawladda hoose ee Hargeysa haysan dhul ku filan oo dadka la siiyo, isagoo tilmaamay inay joojiyeen bixinta dhulka, balse lama ogga ilaa waqtiga ay hakiyeen bixinta dhulka.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here