Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada

0
961
Golaha wakiilada Somaliland
Golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland waxay meel mariyeen xeerka Hay’adda shawrista tayada oo maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen. Xildhibaanada ayaa wax ka bedel kooban oo lagu sameeyay xeerka ka dib cod gacan taag ah ku ansixiyay xeerkaasi.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo Shir gudoominayay Fadhiga oo ay joogeen 52 mudane ayaa mudanayaasha faahfaahin ka siiyay dooda iyo meelaha wax laga bedelay xeerka.
“Golaha waxaa jooga 52 Mudane, waxaa ogolaaday in xeerka la ansixiyo 49 mudane, 1 Mudane wuu diiday, 1 mudane wuu ka aamusay, gudoomiyuhuna ma coddayn sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka Hay’adda Dhawrista tayada” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ku dhawaaqay Natiijada Codka loo qaaday xeerkaasi.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here