Somaliland: Maalinta Dhiraynta Qaranka Oo Si Weyn Looga Xusay Dalka

0
501

Hargaysa (HP): Munaasibad lagu xusayay sanad guuradii saddexaad ee maalinta dhiraynta qaranka Somaliland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Tarminta dhirta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa.

Xuska maalintan ayaa u jeedadiisu tahay sidii bulshadda reer Somaliland wacyigooda loogu jeedin lahaa qiimaha ay dhirtu leedahay.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Ismaaciil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha waaxda dhirta ee wasaaradda deegaanka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka deegaanka oo munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa tilmaantay in sanadkan ay ka soo baxeen xarunta tarminta dhirta 310,000 oo geed, isla markaana ay maanta qaybiyeen 92 kun oo geed.

Shukri Baandare, waxay sheegtay in ay dedaal ugu jiraan sidii ay dhir far badan u soo saari lahaayeen.

Sidoo kale wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa isla maanta ol’ole dhir beeris ah ka hirgelisay dugsiga hoose dhexe ee Gacmo Dheere ee magaaladda Hargaysa.

Dhinaca kale waxaa maanta goboladda dalka qaarkood laga xusay maalinta dhiraynta qaranka ee 15-ka bisha April, iyadoo meelahaasi laga qaybiyay dhir fara badan oo kor loogu qaadayo bilicda magaalooyinka.

 

Halkan Ka Daawo Xuskaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here