Somaliland: Kulan Ka Dhacay Hargeysa oo Lagaga hadlay Siyaasadda arrimaha Dibadda iyo Citiraaf raadinta Somaliland + SAWIRRO

0
962

Hargeysa, (HargeisaPress) — Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa isla markaana lagu falanqaynayay siyaasadda arrimaha dibadda iyo aqoonsi raadinta Somaliland oo uu martina ku ahaa Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha Somaliland ka haysata helista aqoonsi caalami ah.

IMG_8056

Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ayaa madasha ka akhriyey waxyaabaha sababta u ah inaynaan aqoonsi caalami ah dunida ka helin iyo siyaabaha lagu heli karo.“Aqoonsigu waa hab farsamo oo dawladuhu isku aqoonsadaan ,taasi oo ka dhigan dawladaasi waanu aqoonsanahay inay jirto,laakin haddii aan lagu aqoonsanayn waxay ka dhigan tahay ma jirtidi”ayuu yidhi Maxamed Haaruun Biixi.

IMG_8082

Maxamed Haaruun Biixi waxa uu sheegay in adduunku inoo arko dal Somaliya la midoobay sannadkii 1960-kii isla markaana wali katirsan,wuxuuna tilmaamay inay taasi keenayso caqabad ah in la helo aqoonsi caalami ah ilaa lala hadlo dalkii hore wax inooga dhexeeyeen .

 

Kulankan uu martida ku ahaa Aqoon yahan Maxamed Haaruun waxa uu sharaxay aqoonsi la’aantu saamaynta ay ku yeelato dal iyo dadba“Aqoonsi la’aantu waxay keenaysaa inaanad samayn karin xidhiidh ganacsi,mid dhaqaale iyo mid diblamaasiyadeed toona oo aad noqoto dal xidhxidhan”Maxamed Haaruun Biixi

IMG_8090

Waxa uu ka hadlay isbedelkii dhacay 2012-kii ee ahaa in Somaliland iyo Somalia miiska wada hadalka isugu yimaadaan isla markaana ka doodaan arrimaha ka dhexeeya.

 

“2012-kii isbedel wayn ayaa dhacay ,waxa uu ka yimid isbedelkaasi in gar loo dhigto, dalkii ay wax inaga dhaxayn jireen ee Soomaaliya oo aynu si toosa u wada hadalno”ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi.

IMG_8048

Fallanqayn dheer oo aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi ku sameeyay siyaasadda arrimaha dibada iyo citiraaf raadinta waxa uu xukuumadda iyo bulshada Somaliland u soo jeediyay in gacmaha la is qabsado isla markaana meel kasta loo tago sidii dalkani u heli lahaa aqoonsi caalami ah.

 

Kulankan waxay dadwaynuhu su’aalo ka waydiiyeen Maxamed Haaruun mawduucan uu falanqeeyay isagoo dhammaan Su’aalahaasi ka jawaabay.

IMG_8124

Xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo u taagan soo bandhigida mawduucyada faa’idada u leh bulshada Somaliland ayaa markasta ku dadaasha in laga doodo waxyaabaha mihiimadda u ah dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here