Somaliland iyo Malaysia oo Ka Wadahadlay Arrimaha Maalgashiga Labada Dal

0
725

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefdi balaadhan oo ka socda laba shirkaddood oo laga leeyahay dalka Malaysia.

Labadan shirkaddood ee socday dalka Malaysia, ayaa kala ahaa, My Venture Capital iyo Shirkadda Dayiba oo iyadu hore maalgashi uga samaysay dalka Somaliland.

Wasiirka horrumarinta Maalgashiga Somaliland iyo wefdiga labada shirkaddood ee My Venture Capital iyo Dayiba, ayaa ka wadahadlay arrimo badan oo ku aadan fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland iyo danaynta Maalgashiga dalka ee xaga warshadaha.

Wasiirka, ayaa wefdiga uga warbixiyay sida ay muhiimka u tahay Maalgashi shisheeye iyo Fursadaha ay danaynayaan ka dowladd Somaliland ahaan in la maalgashado.

Ugu dambayntii waxaa ay labada dhinac ilsa qaateen sidii loo sii anbaqaadi lahaa talaabooyinka xiga ee ku aadan xaga maalgashiga.

Si kastaba, waxaa Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay Maalgashadayaasha dibedda ka imanaya ee danaynaya Fursadaha Maalgashi ee yaala dalka Jamhuuriyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here