Somaliland iyo Baanka Adduunka oo Kulan Ka Yeeshay Dib U Habaynta iyo Tayeynta Shaqaalaha Dowladda

0
2368
Somaliland iyo Baanka Adduunka
Somaliland iyo Baanka Adduunka

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland iyo Baanka adduunka ayaa soo gebo gebeeyey kulan muddo shan maalmood ah u socday labada dhinac, kaas oo lagu qiimaynaayey mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dowladda Somaliland oo muddo afar sanno ah ka socday Somaliland.

Mashruucan oo ay hirgelinaysay hay’adda shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu maalgelinaayey baanka adduunku, waxa dhinaca Somaliland shirkaas oo ku dhacay habka Video Conference-ka loo yaqaano ama Fogaal araga fog uga qayb galay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali ,Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire ,Wasiirka Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ,Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland  iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Dhinaca Baanka Adduunkana waxa ka qayb galay shirkaasi madaxa mashaariicda , u qaybsanaha  baanka adduunka ee Somaliland iyo Somaliya, khubarro farsamo iyo madax kale oo ku kala sugnaa dalalka Kenya, Maraykanka iyo xarunta guud ee Baanka Adduunka.

Waxa dib u eegis lagu sameeyey intii kulankani socday horumarka laga gaadhey mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dowladda Somaliland , iyada oo loo eegaayo qorshihii  loo dejiyey,iyada oo lagu lafa guray dhamaystirka inta hadhay , si looga midho dhaliyo ujeedooyinkii mashruuca oo ahaa tayeynta ,dib u habaynta iyo horumarinta shaqaalaha dawladda Somaliland.

Wasiiradda ka socday xukuumadda Somaliland oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyey baanka adduunka sida uu u garab taagan yahay Somaliland  iyo sidoo kale mashruucan lagu tayeynaayo, laguna horumarinaayo Shaqaalaha dawladda Somaliland, iyaga oo tilmaamay in ay rajeynayaan in qaybo cusub lagu soo kordhin doono mashruucan.

Dhinacooda masuuliyiintii ka socday Baanka adduunka ee kulankan kasoo qayb galay ayaa Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadceliyey sida ay uga shaqaysay dib u habaynta iyo horumarinta shaqaalaha dawladda, iyaga oo soo dhoweeyey dedaalka la geliyey wejiga labaad ee mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here