Maxay Ka Wadahadleen Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee dalka Ruushka?

0
987
Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka
Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka

Moscow (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, sida uu ku sheegay baraha bulshada.

Kheyre ayaa bartiisa Facebook-gga kusoo qoray: “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika.

Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.

Xasan Cali Kheyer ayaa ayaa bishii July laga qaaday xilkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, oo uu soo hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Hadda wuxuu ka mid yahay musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xilka madaxweynaha, marka la gaadho doorashada xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here