Somaliland: Hooyo Kaalmo Weydiistay Bulshadda, Xilli Ay La Dhibantahay Magafe Gabadheedda Haysta

0
1515

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hooyo Xaliimo Axmed Cali, waa Hooyo muddo sannad la daala dhacaysay furdaaminta inan ay dhashay oo Magafe ku heysto Liibiya.

Hooyo Xaliimo qoyskeeda oo ka kooban 18 qof wax hantiya waxaa ay lahaayeen jago ay daganayeen, waayaha nololeed iyo Magafaha inanteeda gacanta ku dhigay ayaa ku qasbay iibinta sandaqad afar qolla iyo dhulkii ay  ka dhisneyd.

Hooyadan iyo ubadkeedu imika waxaa ay ku nool yihiin oo ay dulsaar ku yihiin Bulal cid kale leedahay, islamarkaana dhibaatada kale ee qoyskani la soo daristay ayaa ah in aabbihii qoyskaas xannuunka Faaligu ku dhuftay markii uu maqlay war naxdinta leh ee inantiisi oo Magafe heysto.

Hooyo Xaliimo ayaa sheegtay inanteeda Magafuhu heysta in ay ka mid aheyd ardaydii wax ka baraneysay Jaamacada Adna,  islamarkaana ay sannadkan qalinjabin  laheyd kuna masruufi jirtay qoyskeeda oo dhan Muus ay ku iibin jirtay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa agagaarkiisa.

Hooyadani waxaa ay intaas ku dartay in laba jeer oo hore ay bixisay laba Magafe lacagtood, oo min 11-kun oo dollar ah imikana Magafihii saddexaad inanteedi gacanta ugu jirto lagana sugayo 13-kun oo dollar oo deg dega ama lagu soo wargelin doono dhimashada inanteeda.

Waatan hooyadan oo ka hadlaysa duruufaha nololeed ee gadaaman qoyskeeda iyo xaalada inanteeda,   “Muus ayaan ku iibin jiray saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa hortiisa, nolosheydu taasi ayay aheyd, Magafihii ugu horeeyay sagaal kun iyo shan boqol ayuu yidhi keen, oo aan u diray kii sagaalka kun iyo shanta boqol ee dollar aan u diray ayaa u geeyay mid doonaya saddex iyo toban kun oo dolar” ayay tidhi hooyadaasi.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi, “Waxaanay igu tidhi ‘Waaniga hooyo baxay ninkii wuu isii daayay oo ku kale ayuunbu u geeyay’, kiina saddex iyo toban kun oo dollar keen ayuu yidhi  waan la tacaalay oo waan u baaheeyay.

Daaradii gurigana waan u iibiyay oo ay kaga baxday, waa niman reer Somaliland ah nimanka sidaasi sameynayaa waxaanay igu yidhaaheen imika ayaan qaadaya.

beri ayaan qaadaya ee lacagta ii soo dir, todoba iyo toban kun oo dollar keen ayuu markii hore igu yidhi ma hayo markii aan idhina isaga oo caagado ku gubaya ayuu ka soo dubay oo uu soo dhigay”.

“Aabaheed maalintii uu maqlay inantaadi way tahriibtay xannuunka Faaliga ayaa haleelay, isaguna dhulka ayuu ii yaala guri bini’aadam ayaanu jiibsana, reerba maalin ayuu carruurtayda bariiska u kariyaa dadka jaarka ah iyo umadda ILLAAHEY wixii uu sikhiro.

Aniguna iyadii ayaan u meeraysanayaa xaaladayada iyo noloshayadu waa sidaas, bulshadana waxaan ka codsanaya in ILLAAHEY dartii la ii soo caawiyo oo la iga soo bixiyo lacagta gacanta saddexaad ah ee gabadhaydii yareyd loo haysto”Ayay tidhi Hooyo Xaliimo Axmed Cali.

Hadaba cidii ILLAAHEY dartii wax ugu tareysa waxaa ay kala xidhiidhi karraan telefoonkeeda gacanta ee 0636497022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here