Golaha Guurtidda oo Dood Adag Ka Yeeshay Xaaladda Deegaanka

0
1001

Hargaysa (Hargeisa Press): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay dhibaatooyinka soo waajahay deegaanka iyo xaalada wax ka qabashadda u baahan ee uu ku sugan yahay.

Waxaanay xildhibaanadda qaarkood ka dayriyeen dhul-daaqsimeedkii la wada lahaa oo  ay shaqsiyaad gaara ah sifo sharci-daro ah ku ooteen iyo arrimo kaloo wax ka qabasho u baahan.

Waxaa kale oo mudanayaashu ka hadleen nabaad guurka ay degaanka ku hayso Bacdu,  iyaga oo tilmaamay in degaanku dhimanayo hadii aan wax laga qaban halista Bacda.

Xildhibaanadda qaarkood ayaa xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto dhulka ka baxay gacanta dawlada ee sida sharci-darada dadku u kala sheegayaan, lagana ootay xoolihii daaqilaha waxna aan laga beerin.

Doodda xildhibaanadda golaha Guurtidu ka yeesheen arrimahaa deegaanka oo ahayd mid dheer, ayay mudaneyaashu kaga hadleen dhinacyo badan oo deegaanka khuseeya.

Daawo: Dooddii Xildhibaanadda:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here