Haweenka Somaliland Ma Heli Doonaan Qoondada Siyaasadeed oo Ku Filan?

0
1796

Hargeisa (Hargeisa Press)- Haweenka Somaliland ayaa olole adag ugu jira sidii ay kaalin muuqata uga ciyaari lahaayeen siyaasada.

Dhowaan waxaa la filayaa in Somaliland ay ka qabsoomaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo kuwa Aqalka Wakiillada, balse waxaa wali taagan walaac laga qabo in dumarka ayna helin qoondo ku filan.

Nafisa Yussuf Maxamed oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda dumarka, ahna agaasimaha guud ee dallada haweenka ee Nagaad, ayaa sharraxday dadaalka ay ugu jiraan sidii ay markan u heli lahaayeen matalaad siyaasadeed oo ay ku qanacsan yihiin.

“Sannadkan waxaan aad ugu rajo weyn nahay in la helo qoondada dumarka, oo ah boqolkiiba 22% iyo in dumarka ay heli doonaan qoondadii uu madaxweynuhu u saxeexay, taas ayaana runtii noo qorsheysan,” ayay tidhi.

Xildhibaan Baar Saciid Faarax oo ah gabadha keli ah ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa bartamihii sannadkii 2018-kii, waxay sheegtay: “Haweenku waa bulsho ka badan ragga. In umadda intaa la eeg indhaha laga qarsado oo wax lala qaban waayo waa arrin qaldan”.

Golaha deegaanka iyo Aqalka Wakiillada ee hore u jiray waxaa aad ugu yaraa dumarka ka dhex muuqday, taasi oo Nafisa ay sabab uga dhigtay in sharciga matalaadda u aqoonsanaya haweenka aanu markii hore jirin.

“Hore sharciga uguma ayna jirin qoondoda dumarka loo asteeyay, laakiin haddii ay baarlamaanka saxeexaan qodobka haweenka loogu oggolaaday matalaaddooda ee uu madaxweynuhu saxeexay, markaas waxaan heleynaa qoondo sharciyeysan.”

Maxay tahay sababta ayna dumarka u helin matalaad ku filan?

Si la mid ah aragtii hore u soo taagneyd, guddoomiyaha dalladda haweenka ee Nagaad waxay aaminsan tahay in odayaasha dhaqanka “ay ka gaabiyeen taageeridda doorka siyaasadeed ee haweenka”.

“Kolley annagu dadaal naguma yarayn, waana run in odayada dhaqanku ay hormuud ka yihiin arrintaas. Sababtoo ah inta badan waxaa dhici jirtay in markii nin iyo haweeney ay u soo wada istaagaan xil siyaasadeed, mar walba la door bido ninka u taagan doorashada. Laakiin baaqyo badan oo ay sannadkan sameeyeen oday dhaqameedku waxay ballan qaadeen in aaney maanta cidna ka hormarin doonin haweenka,” ayay tidhi Nafisa.

Axsaabta iyo xukuumada Somaliland ayaa badhtamihii bishii la soo dhaafay heshiis ka gaadhay sida loo qabanayo doorashada baarlamanka oo ay muddo isku khilaafsanaayeen.

Muddo laba sannadood ku dhow ayey doodda qoondada dumarka taagnayd waxaana socday dedaallo la doonayey in lagu furdaamiyo. Mararka qaarkood waxaa xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda dhexdhexaadinayay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dhaqaalaha doorashooyinka.

Saami qeybsiga gobollada

Iyadoo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taabbagalinta doorashada awgeed, saamiga kuraasta gobolladu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada waxa doorashadan oo KALIYA loo qaybiyey sidan:

Gobolka Hargeisa…………………… 20 kursiGobolka Togdheer………………….. 15 kursiGobolka Awdal……………………… 13 kursiGobolka Sanaag……………………. 12 kursGobolka Sool…………………………. 12 kursiGobolka Saaxil………………………. 10 kurs.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here