Somaliland: Hoggaamiyayaal Ku Dul Loolamaya Shacbi Dhibaatooyin Abbaaro Iyo Kuwo Nololeed Hadheeyeen

0
775

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Laba wefdi oo ay kala hoggaaminayaan Hoggaamiyayaasha Labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, ayaa socdaal kaanabayn siyaasadeed ka wada deegaamada galbeedka Somaliland, xili Dhibaatooyin Abbaaro oo ku habsaday dalka Somaliland iyo guud ahaan mandaqada geeska Afrika ka taagan yihiin deegaamada galbeedka oo noqday meelaha ugu daran Aabaarta.

 

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ah musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye Muuse Bixii Cabdi oo ah musharaxa Madaxweynaha ee doorashada Madaxtooyadda Somaliland marka la gaadho 2017, oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan Xisbiga iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal laba maalmood ka hor, balse waxa socdaal ka daba qaatay shalay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland iyo wefdi uu hoggaaminayo.

 

Ujeedada labada Wefdi oo ku sugan Boorama, wuxuu socdaalkoodu la xidhiidhaa arrimo siyaasadeed iyo kaanbayn, wuxuuna socdaalka labada wefdi kusoo beegmay xili deegaanka gobolka Awdal laga bilaabayo hawsha diiwaangelinta, taas oo la doonayo inay qayb ka noqoto qorshaha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan marka la gaadho sanadka 2017.

 

Hase yeeshee labada wefdi ee ku sugan Boorama oo wata gaadidka qaaliga iyo Baabuurta aan rasaastu karin ee (Bullet Proof), waxa ka dhashay socdaalkooda iyo loolankooda xiligan doodo iyo su’aalo rayal caamka bulshadu is weydiinayaan, kuwaas oo ay dhaliyeen duruufaha iyo xaaladaha qalafsan ee ka jira halkaa oo dadka dhibaatooyinka nololeed iyo kuwa dhaqaale ee hore u haystay oo ay ugu darsameen waqtigan Abbaaro saamayn xooggan ku yeeshay boqolaal kun oo qof oo u badan dadka deegamada Miyiga ee Beeralayda iyo kuwa xoola dhaqatada ah, iyadoo deegaanka galbeedku oo ku tiirsnaa inta baddan Beeraha saamaynta abbaartu ku yaalatay ay sababtay macaluul baahsan iyo haraad dad iyo duunyaba saameeyay oo aanay waxba ka ogayn hoggaamiyayaasha Somaliland, balse ay ku hanbaabereen xaalada abbaareed ee dalka ka jirta markii ay temeshle iyo loolan kaanbayn siyaasadeed ah ugu tageen dadka deegaanadaa ku nool, kuwaas oo aanay waxba kala socon intooda baddan nolloshooda iyo duruufaha ay ku nool yihiin.

 

Dadka ku nool deegamada labad wefdi ee labada Xisbi ku loolamayaan, waxa malmihii u danbeeyay laga soo sheegayay ku dhowaad Tobaneeyo qof oo u dhintay haraad biyo la,aan, waxayna filayeen gurmad Biyo dhaamis iyo cunto. laakiin waxay xaqiiqsadeen markii ay labada wefdi ku kulmeen deegaanka galbeedka,gaar ahaan Boorama oo ah xarunta Gobolka Awdal in gaadiidka faraha baddan ee dhinaca Hargeysa oo ay gurmad ka filayeen aanay ahayn kuwo u socda inay wax kala qabtaan dhibaatada nololeed ee haysta, balse ujeedadoodu tahay oo keliya kaanbayn kursi doon ah.

 

Tallaabooyinka iyo dhaqamada noocan ah, waa kuwo uu diidayo Damiirka aadamaha iyo caqliga saliimka ahi, laakiin waa hab- dhaqanka siyaasiyiinta Somaliland ee aan damiirka lahayn, kuwaas oo ku dul loolamaya dadkooda dhibaataysan ee u baahan xiligan gurmadka dad iyo duunyaba, balse waxay u muuqataa in loolanka iyio xafiiltanka kursi jacaylku ilawsiiyay wax badan, isla markaana ay sabab u tahay inuu damiirkoodu siiyo inay dadkii iyo xoolihii gurmadka u baahnaa ku dul loolamaan iyagoo wata gaadiidka ugu qaalisan ee masuuliyiinta xiligan iyo madaxda Somaliland isugu faanaan, isla markaana waxa hubaal ah in kharashyada ku baxa safarada sidan oo kale ah iyo xafladaha ay isku daawadaan masuuliyiinta xukuumaddu ee inta baddan Hargeysa lagu qabto ay wax badan ka tari lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaalle ee dalka ka jira duruufaha Aabaaraha ku habsaday dalka ka dhashay ee saamayeeyay nolosha Miyi iyo magaaloba.

 

si kastaba ha ahaatee xaaladda Abbaareed iyo duruufaha nololeed ee ka taagan deegaamada galbeedka dalka iyo kuwa kale, waxay u baahan yihiin gurmad, balse uma baahna xiligan loolan siyaasadeed iyo temeshle lagu dhex taxaashiyo Baabuur qaali ah.

 

 

Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

 

Araweelo News Network

 

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here