Ruushka Oo Ka Hadlay Wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya

0
537

Mosco (HP): Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Wakiilka joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay uu ka hadlay in la soo celiyo wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, taasina waxay noqotay Ruwaayad Naadir ah.

Waxa lagu tilmaamay mid calaamad u noqonaysa in Ruushku xiiso cusub u qabo Geeska Africa. Wakiilka UN-ka Vassiliy Nebenzia waxay ka codsatay dawladaha Somaliland iyo Somaliya in ay dib ugu noqdaan Miiska wada hadalka.

Waxa uu intaa ku daray in Russia ku boorinayso labada dhinaca isu tanaasul.
Vassiliy Nebenzia waxa uu yidhi ‘’Waxaan ka walaacsanahay burburka bishii Ogosto ee wadahadaladii u dhexeeyay wufuuda Somaliland iyo Somaliya.  Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Ruushku soo qaado wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya ee ugu dambeeyay ee lagu qabtay Jabuuti walina aan dib loo bilaabin.
Intii kulankaasi socday, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu sheegay in nabadda iyo dib-u-heshiisiinta labada dal la gaadhi doono oo keliya haddii Soomaaliya iyo beesha caalamkuba aqoonsato madax-bannaanida iyo xorriyada dalkiisa.
‘Tallaabada aqoonsiga iyo taageerida madaxbanaanida Somaliland wuxuu wax weyn ka tari doonaa bogsiinta nabarradii hore iyo in ay labadeena dowladood siiso awood iyo isku soo dhowaansho mustaqbalkeena isla markaana noqono laba dal oo si dhow isugu xidhan,’ ayuu yidhi.
Labada dhinaca waxa ka muuqda ismari waa. Somaliland waxay ku adag tahay Madax bannaanida in ay ka soo noqotay midowgii, waxaana hore loo yeeshay toddobo wareeg oo wada hadal ah oo ka kala dhacay London, Dubai, Ankara, Istanbul iyo Addis Ababa.
Dadka ku takhasusay arrimaha siyaasada waxay tan u arkaan in Ruushku doonayo inuu dib ugu soo noqdo saamayntii uu ku lahaa Geeska Africa. Tan iyo wixii ka danbeeyey sanadkii 1991 Ruushku ciyaartoy yar ayuu ka ahaa arrimaha Geeska Africa iyo Bariga dhexe, laakiin hada waxa uu doonaya inuu ciyaartoy weyn ka noqdo, sida uu sheegayo Samuel Ramani, oo u sharaxan shahaada DPhil kana tirsan Waaxda Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Kulliyadda St. Antony, Jaamacadda Oxford oo ku takhasustay siyaasadda arrimaha dibedda ee Ruushka.


Laakiin Ramani ayaa warbixintiisa ku sheegay in Ruushka uu si gaar ah diirada ugu hayo arrimihiisa ganacsiga ee gobolka oo hubku ka mid yahay, laakiin aanu diirada ku hayn, dhismaha saldhiga Badda Cas.
30 sanno ayaa haatan laga joogaa intii uu Ruushku ka maqnaa Geeska Afrika, laakiin hadda waxa uu wadaa inuu dib u abuuro awooddiisii ​​ gobolka.  “Ruushku wuu la shaqeeyey shaqeeyay dhammaan waddamada geeska Afrika wuxuuna diiday inuu dhinac ka raaco khilaafaadka gobolka, sidaas darteed Moscow waxaa si fiican loogu tilmaami karaa inay tahay mid ku hawlan fursadiisa’ Geeska Afrika, ‘ayuu yidhi Ramani.
Waxa hore u soo baxay warar sheegaya ujeedada Ruushka ee ah inuu saldhig badeed ka samaysto Geeska Afrika iyada oo Dekedda Berbera ee Somaliland ay liiska ugu jirto.
Bishii Janaayo 28, 2020, New York Times waxay soo xigatay saraakiil Pentagon ah oo aan magacyadooda la shaacin kuwaas oo sheegay in Ruushka uu danaynayo inuu saldhig militari ka dhiso dekedda Berbera ee Somaliland. Saldhigga ayaa u oggolaan doona Ruushka inuu abuuro aag saameyn ah oo ku dhow saldhigyada Shiinaha iyo Maraykanka ee Jabuuti. Si kastaba ha noqotee, arrintan waxaa si deg deg ah u joojiyay Kremlin-ka. Bishii Febraayo 7, Danjire Golovanov waxa uu sheegay in aanu, ‘Ruushku tixgelinayn Saldhig uu ka samaysto Berbera,. Wax wada hadal ah oo arrintaa ku saabsana aan la qaban.
Maraykanka, Faransiiska, Japan iyo Shiinaha ayaa xarumo militari ku leh dalka somaliland la jaarka ah ee Jabuuti halka Turkigu dhowaan ka hirgaliyay Soomaaliya xarun taas la mid ah , taas oo aanay Somaliland ku jirin.
Ruushka haataan wuxuu xarumo ku leeyahay kaliya 9 wadan oo ay ka mid yihiin Armenia, Belarus, Georgia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Moldova, Syria, Tajikistan iyo Vietnam.

By: Godfrey Ivudria
Xigasho: Busiweek

Turjume: Xasan Xuseen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here