SOMALILAND: Dadwaynaha Magaalada Borama Oo Mar Labaad Saaka Tukaday Salaad Roob Doon Ah + SAWIRRO

0
910

Borama, (HargeisaPress) —Maamulka gobolka awdal oo dhawaan mar labaad bulshada gobolka awdal ugu baaqay in ay muddo saddex casho ah soomaan isla markaana maalinta salaasada oo maanta ku beegan dhamaan deegaanada hoosyimaada gobolka awdal laga tukado salada roob roodtas ayaa bulshada kala duwan eek u dhaqan magaalada borama ee xarunt gobolka awdal aya saaka u dareereen soo tukashada salaada roob doontas.

3-64

Waxaana bulshadani ay saaka iskugu soo baxeen dhamaan goobaha loogu tallo galay in lagu tukado saaadaha ciida waxaan bulshada kala qayb galay tukashada salaada maamulka gobolka awdal, ka degmada borama, iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka borama iyo walia masuuliyiinta dawlada.

9-18

Waxana boqolaalkaa qof ee saaka iskugu soo baxay tukashada salaada roobdoonta ah ay alle waydiisteen dambi dhaaf iyo nxariisto iyaga oo alle ka baryay inuu alle ka dul qaado abaarah abaahsan ee kajira gobolada iyo degmooyinka dalka ee sababay dhimashada dad iyo xoolo.

4-51

Gobolka awdal iyo deegaanada hoos yimaada ayaa ah gobol ay aad u saamaysey abaarta ka jirta Somaliland.

8-22

10-12

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here