Masuuliyiinta Xisbiga WADANI Oo Si Kulul u Dhaliilay Xukumadda Somliland Iyo Guddida Komishanka

0
800

HARGEISA , (HargeisaPress) —Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANi oo manta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee magaalada hargeysa ayaa waxa dhaliilo xoogan usoo jeediyeen xukumadda Somaliland iyo gudida komishanka qaranka Somaliland, iyaga oo ku eedeeyey inay xukumaddu dab aka riixayso in dib loo dhigo diiwaangalinta .

 

Sidoo kalena waxay masuuliyiintan ay jawaab ka bixiyeen hadalo kazoo yeedhay labada gudoomiye ee xisbiga UCID iyo KULMIYE.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI mudane Uur Cadde oo ugu horeyn goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xukumaddu dab aka riixayso in dib loo dhigo diiwaangalinta sidoo kalena waxa uu ka dhawajiyay inay xukumaddu waddo qorshe ah inaanay diiwaangalintu ka dhacin gobolada hadhay ee Sanaag iyo Sool waxana uu yidhi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka.

 

 

“In diiwaangalinta gobolada bariga la geeyo rag xukumadda ka tirsan oo wasiiro ah ayaa lugta haya oo diidan in la geeyo, ilaa hada xagii madaxwyane Riyaale kaga tagay hal tako waxaan ahay ciidamada qaranka laguma darin, diyaarna looma aha In lagu daro waxaana la doonayaa si Somaliland loo kala qaybiyo gobolada Sool iyo Sanaag-na aanay diiwaangalini ka dhicin Buuhoodle-na hore ayaa looga saaray”Sidaas ayuu yidhi Mudane Uur Cadde.

 

Mudane Uur Cadde xoghayaha guud ee xisbiga WADANI isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

 

“Hawshan awoodeeda iyo masuuliyadeeda ay Somaliland u igmatay komishanka qaranka, markii komishanka qaranka hadalkii loo diido ma KULMIYE iyo dad dano gaara leh ayaa u talinaya Somaliland,gobolka AWDAL abaarta ka dhacaysa Sool iyo sanag toona kama dhacayso waxa manta loo joojiyaana waa ujeedo fog, waxaan aqbalynana maaha, gudoomiyayaasha UCID iyo KULMIYE waxaan leenahay idin aflagaadayn maynee xisbiyadiina ku eekaada oo wax u qabta oo xisbiyada kale wax haka sheegina”Sidaas ayuu yidhi Mudane Uur Cadde.

 

Dhanka kalena waxay masuuliyiintani shaaca ka qaadeen in gudoomiye Cirro aanu ka mawqif ahayn xisbigiisa balse uu la mawqif yahay isla markaana aanu marnaba yeelayn in ay dib u dhacdo diiwaangalinta codbixiyayaashu.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here