Somaliland: Ciidamada Qalabka Sida Oo Saaka Olole Nadaafadeed Ka Fuliyay Caasimadda Hargeysa + Daawo SAWIRRO

0
1034

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyay Faras-magaalaha iyo meelo ka mid ah xaafadaha Caasimada ku yaala.

Saaka iyo CIIDAN QARAN 4

Hawlgalkan Nadaafadeed ee ay fuliyeen ciidamada Somaliland ayaa waxa uu ahaa mid ay dadka ku dhaqan caasimadu ku soo waabariisteen, waxaana markii hore loo fahmay in ay hawl hawl galo gaar ah wadeen, hasayeeshee waxa ay uu dareenkaasi uu isbedelay markii lagu arkay ciidamada oo sita qalabka dhulka lagu xaadho.

Saaka iyo CIIDAN QARAN 5

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa midi ugu horeysay in dhawaale lagu arko magaaladda Hargeysa.sidoo kale dadweynaha Magaaladda Hargeysa ayaa su’aalo iska waydiiyay sababta ay ciidamada Qaranka somaliland ololaha nadaafadeed ay u fuliyeen iyada oo ay magaaladdu doortay ama ka taliyaan gole deegaan.

Saaka iyo CIIDAN QARAN.

 

 

arrintan ayaa fool xumo ku noqonaysa golaha deegaanka ee iyaga ay soo doorteen shacabku.

 

Talaabada Ciidanku qaday oo Dhiirigelin iyo tusaaleba u ahaa shaqaalaha ka hawlgala Xarumaha Dawladda , taas oo ay tusaale u noqon Shaqaalaha kale ee ka hawlgala xukuumada Somaliland inay sidan oo kale ay maalin ugu soo baxaan nadaafada Dalka iyaga oo ugu horaysiinaya Wasaaradooda iyo iyo wajahada agagaarkeeda.

Saaka iyo CIIDAN QARAN  1

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here