Telefishanka Al Jazeera Oo Warbixin Ku Faaqiday Abbaaraha Somaliland Iyo Saamaynta Dhaqaalaha Dalka + SAWIRRO

0
1015

HARGEISA, (HargeisaPress) — Shabakadda Telefishanka AL Jazeera    ayaa warbixin dheer ka qortay, Xaaladda abbaaraha ka jira galbeedka Somaliland, waxaanay sheegeen in abaarro ba’ani ay ka taagnaayeen ku dhowaad labaatankii sannadood ee u dambeeyay, taasi oo sababtay in dad badani ku caydhoobeen.

 

Warbixintaasi  waxa kale oo Telefishanku ka hadlay saamaynta taban ee abaaraha soo noqnoqday ay ku yeesheen xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.

 

Warbixintan  oo aanu soo turjuman, waxay u qornayd sidan:-“Degaannada Galbeedka Somaliland, ayaa ay ku dhufatay abaartii ugu xumayd ee muddo 20 sannadood ah, taasoo waxyeelo aad u darran soo gaadhsiisay xoolaha nool iyo xoola-dhaqatada saboolka u badan.Dufaankii dabaylaha watay ee degaannadaas ku dhuftay waxa uu laayey xoolihii halkaas deegaanadaasi ku dhaqnaa, isagoo guryaha iyo hoygii ay dhaxanta ka dugsanaayeen qoysaskaas danyarta ah ka burburiyey.

 

Caasha Jaamac  waxa ay ka mid tahay qoysaska abaartan saamaysay riyihii iyo idihii ugu dambeeyey ee ka hadhay xoolaheeda waxa ay hoy ka dhigtaan buulkeeda yar, maadaama aanay qaadi karin dhaxanta waqtigan dhacaysa.

 

Hooyadan iyo qoyskeeduba waxa ay u dhow yihiin in ay macaluul u bakhtiyaan, cuntadoodii ay kaga bixi lahaayeen qaboobaha waa ay ka dhammaatay. “Laba riyaad ayaa qabow dartii hadda u le’day,” ayuu yidhi Muuse oo ah ay ilmaabti yihiin Caasha Jaamac oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera.Hadhaaga xoolaha qosyka Caasha uga samatabaxay duufaannada, abaarta iyo qaboobaha waxa ay ku xaraysaa guriga ay galayso, balse madaxooda kor uma qaadi karaan dhibaatada haleeshay aawadeed iyo waydnimada. Degaanno xeebeedka Awdal iyo gobollada Galbeed ee Somaliland waxa la soo darsay abaartii ugu xumayd dhawaanahan ee halkaas laga sheego.

A Somaliland goat herder besides the carcasses of some of his last remaining animals, which had just starved to death (Ashley Hamer/VICE News)
A Somaliland goat herder besides the carcasses of some of his last remaining animals, which had just starved to death (Ashley Hamer/VICE News)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kooxaha  gargaarka, ayaa digniin ka bixiyey in abaaraha iyo roobabka duufaannada wata ee is baahaystay ay keenayaan xaalad halis ah, waxaanay kooxda saadaaasha cilmilada ee El Nino sheegeen in sannadkan dhibaatooyinka dhacay ay keeni doonaan ku dhawaad 855,000  oo  qoys in xaaladoodu halis sii noqoto 2016-ka. Xilli roobaadkii Gu’ga  iyo Deyrta oo hadda lagu jiro, ayaan wax roob ah helin degaannada galbeedka sida Awdal oo lagu yaqaanay barwaaqo, taasina ay keentay in abaartu sii xooggaysato.

 

“Laba sanno ka hor waxa aan lahaa 200 adhi ah (riyo iyo ido), laakiin biyo ma jiraan, cunto ma jirto, xooluhuna way dhimanayaan,” ayey tidhi hooyo Caasha Jaamac, waxa ay intaa ku dartay in aan qoyskeedu guuri karin, sababtoo ah dameerkii ugu dambeeyey wuu ka bakhtiyay, xoolaha u hadhay ee aadka u tirada yarna aad bay diciif u yihiin oo socod ma qaadi karaan. Xaalada noocan ah hooyadan oo kaliya kumay kaliyeysan ee waxa jira kummanaan qoys oo la qaba dhibaatada abaaraha iyo roobabka dabaylaha watay geysteen, badankooduna xoolihii ka dhammaaday.

 

Xoola nool waa laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Ku dhawaad 60% bulshadda Somaliland ku nool waxa ay dhaqan ahaan u leeyihiin xoola raacato amma waxa ay ku xidhan yihiin xoolaha nool, sababtoo ah cimiladda qalalan ee Somaliland ayaa saamaxday in dadku xoola raacato u tabto sida uu sheegay Cabdillaahi Rabiile oo ah khabiir xoolaha nool ah oo ka tirsan hay’ada Qaramada Midoobay cuntada iyo beeraha u qaabilsan ee FAO.

Marian Hussain with her five surviving goats. (Ashley Hamer/VICE News)
Marian Hussain with her five surviving goats. (Ashley Hamer/VICE News)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhaqaalaha Somaliland 80% ka mid ah waxa uu ka yimaada iibka xoolaha nool (adhiga, lo’da iyo geella), sababtoo ah sannadkii 2014 waxa Somaliland laga dhoofiyay  5 milyan Inta ugu badana xoolaha mandaqadda  waxa laga dhoofiyay Somaliland, maadama uu yahay dal aad u degan oo xasilooni ka jirto. Degaanka Lughaya ka tirsan Gobolka Awdal, ayaa Maryan Xuseen oo 60 jir ah ku dhaqanaysay 300 neef oo adhi ah ka hor intii aan abaartu ku dhufan, waxaanay sannadkii iibin jirtay 10 neef oo riyo iyo ido isugu jira oo neefkiiba cel-celis ahaan lacagtiisu tahay $10 ilaa $80. “Waxa aan u waayey xoolo aayar aayar. Waxa ii hadhay shan riyaad.

 

Waxa aan ku xidhanahay cunto iyo taageero qaarabadu ii fidiso,” ayey tidhi. Warbixintan oo telefiishanka Al Jazeera Somaliland ka diyaariyey waxa lagu sheegay in dadka barakacayaasha ah ee dalka ugu badan ay ka soo barakaceen abaaraha ku dhuftay.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here