Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Guddida Doorashooyinka Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
818

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Afhayeenka madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa ka war bixiyey kulan uu madaxweynaha somaliland la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo wasaarada arimaha gudaha.

 

Afhayeenka madaxtooyada oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha somaliland  uu guddida doorashooyinka iyo wasaarada arimaha gudaha ka wada hadleen sidii  loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka dalka ku soo socda iyo diwaan gelinta codbixiyayaasha.

 

 

Afhayeen Xuseen Deyr oo ka hadlaya kulanka dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo guddida doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu yidhi “ madaxweynaha somaliland waxa uu xafiiskiisa kula kulmay guddida doorashooyinka qaranka iyo wasaarada arimaha gudaha somaliland,fariinta uu madaxweynuhu u gudbinayeyna waxayd ahayd mid kooban oo la xidhiidha sidii loo dar dar galin lahaa diwaan gelinta codbixiyayaasha maadaama ay doorashooyinku inagu soo dhaw yihiin  iyo sidii ay wasaarada arimaha gudaha iyo guddida doorashooyinka qaranku ay si hufan iskaga kaashan lahaayeen arintaas diwaan gelinta codbixiyayaasha.” Ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr).

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here