Somaliland: Xukuumadda Oo Mamnuucday Dabaal-dega Sanadka Cusub Ee 2020-ka

0
1025

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay in aan dalka lagu qaban karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo curashadda sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa ugu baaqay bulshadda reer Somaliland in aan la ogolayn in magaalooyinka lagu qabto xaflado lagu xusayo sanadka cusub.

Waxaanu sheegay in sanadka taariikhda Miilaadiga aanay banaanayn in ay xusaan dadka islaamka ah, isla markaana aan hudheeladda lagu qaban karin wax munaasibado ah oo sanadkaasi lagu waynaynayo.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kaloo uu laamaha amniga ee dawladda ka dalbaday in ay ka hor tagaan arrintaasi.

Waxaanu yidhi, “Dadka u diyaar garoobaya in xusaan ama u dabaal-degaan curashadda sanadka cusub ee Miilaadiga, oo aanay banaanayn in loo dabaal-dego. Waayo? dabaal-degeenu waa labadda Ciiddood, ee Ciidda Carafo  iyo Ciidda Soon-fureed, ayuun baynu dabaal-degnaa. Inta kale waa munaasibadda aanu ILLAAHAY SWT amrin ama aan diinteena ka mid ahayn.

Xuska sanadkan cusub ee Miilaadiga, wuxuu ka soo jeedaa Nebi Ciise CS, inaga-na (islaamka) ILLAAHAY SWT inama farin in aynu u dabaal-degno ama aynu waynayno”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan uga digaynaa bulshadda reer Somaliland, in ay maalin caadi ah ka soo qaataan, oo maalaha ILLAAHAY SWT ka mid ah.  Waxaanan leenahay habeenka caawa ah, yaan loo dabaal-degin, yaan laga dhigin munaasibad islaamku leeyahay. Waa munaasibad ay diin kale leedahay, oo ay samaysteen iyagu”ayuu yidhi sheekh Khaliil.

Geesta kale wasiirka diinta iyo awqaaftu waxa uu ciidamadda booliska ka codsaday in la ilaaliyo wakhtigii hore loogu dejiyay in lagu caweeyo ama xaflado lagu dhigo hudheeladda.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan ka codsanaynaa laamaha amniga dawladda, in ay aad iyo aad uga digtoonaadaan arrintaasi.

Nidaamkii loo dejiyay soo jeedkana ay ilaaliyaan, oo ahayd in aan hudheeladda Hargaysa lagu cawayn karin wixii ka danbeeya 11:30 habeenimo”.

Dhinaca kale wasiir Khaliil, waxa uu si gaara fariin ugu diray ciidamadda amaanka ee kaantarooladda bariga Hargaysa ee u baxa Berbera iyo ciidamadda magaaladda Berbera, in ay si dhaw ula socdaan gaadiidka ay wataan dhalinyaradda u damaashaad taga maalmaha ciidaha iyo munaasibadaha fasaxyadda xeebta Berbera.

Waxaanu sheegay in ay dhacdo in dhalinyaro isugu jirta Wiilal iyo Gabdho oo baabuur wataa ay u dabaal tagaan Badda Berbera, taasoo uu tilmaamay in tahay mid ka hor imanaysa shareecadda islaamka.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here